(SLT-Hargeysa)-Ciidamada ilaaladda Xeebaha Somaliland ee gobolka Saaxil oo ay hogaaminayaan Taliyaha Ciidamada Ilaaladda Xeebaha Somaliland iyo Badhasaabka gobolka Saaxil ayaa hawlgalo balaadhan ka sameeyey xeebaha goboladda Saaxil iyo Sanaag iyo badda u dhaxaysa dalkan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Yemen.
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo masuuliyiintan wehelinaysay oo hawgalkoodan bilaabay habeenkii xalay ahaa ilaa maanta oo Jimce ahaydna waday ayaa gacanta ku dhigay kalluumaysato u dhalatay wadanka Yemen oo xeebaha goboladda Saaxil iyo Sanaag sifo sharci daro ah uga kalluumaysanaayey,kuwaas oo sitay waraaqo ay sheegeen in laga siiyey meelo kamid ah Somaliland.
Taliyaha Ciidamada Ilaaladda Xeebaha Somaliland oo ay weheliyaan saraakiisha ciidamada ilaaladda Xeebaha ee gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta gobolka Saaxil ayaa waraaqo tiro badan oo waqtigoodii dhacay ka ururiyey kalluumaysatadaas, iyaga oo markii dambena ka saaray biyaha Somaliland.
Ugu horeyn taliyaha Saldhiga kowaad ee ciidamada Ilaaladda Xeebaha Somaliland ee gobolka Saaxil Haaruun Siciid Cali ayaa ka warbixiyey kormeerkaas dhinaca badda ah ee ay ka sameeyeen xeebaha Somaliland,waxaanu tilmaamay in socdaalkoodani kamid yahay shaqo maalmeedkooda ay Qaranka u qabtaan.
Waxa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi , isaga oo sheegay in ay maamul ahaan marwalba barbar taagan yihiin ciidamada Ilaaladda Xeebaha Somaliland, isla markaana ay gacan ka siin doonaan la dagaalanka cid kasta oo kusoo xad gudubta biyaha Somaliland,waxaanu cadeeyey in kormeerka noocan oo kale ahi uu joogto noqon doono.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Ilaaladda Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in socdaalkoodani kamid yahay socdaaladii ay hore ugu tegi jireen , uguna kormeeri jireen xeebaha dalka iyo badda Somaliland, isaga oo cadeeyey in ay joogteyn doonaan socdaaladda noocan oo kale ah, waxaanu Ciidamada ilaaladda Xeebaha Somaliland uga mahadceliyey shaqada adag ee naf hurka ah ee ay Qarankooda u hayaan.