Iyada oo ay maalmihii ugu dambaysay xaaladda u diyaar garawga Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilladu meel xasaasi ah marayso marka laga hadlayo buuxinta shuruudaha Komishanka Doorashooyinku ku xidhay Musharraxiinta doorashooyinkaasi isku sidkan u taagan ayaa waxa arrinka ugu weyn noqday haysashada shahaadooyin aqooneed, gaar ahaan shahaadada jaamacadeed ee laga rabo qof kasta oo Musharrax ah oo u taagan doorashooyinka Golayaasha deegaanka, shardigaasi oo noqday mid kala hufaya rag iyo haween badan oo u taagnaa boosaskaasi, qaarkoodna aanay haysan shahaado jaamacadeed ama wax u dhigma.
Arrinta haddaba layaab leh ee ka mid ah dhacdooyinka ka dhashay xaaladdan, waxa ay noqotay fal mid ka mid ah Musharraxiinta u taagan doorashada soo socotaa uu ku soo baabulay koox odayaal ah oo ay isku hayb yihiin si ay uga wasteeyaan guddoomiye Jaamacadeed oo ay isku hayb yihiin isaga laftiisana oo uu uga baahnaa in uu ka helo shahaado ninkaasi loogu sameeyo hannaan beelaysan si uu uga gudbo shuruudaha aqooneed ee ku xidhan mansabka uu u taagan yahay.
Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda ADMAS Professor Xuseen Cabdillaahi Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka sheekeeyey falkan layaabka leh oo qabsaday mid ka mid ah guddoomiyayaasha jaamacadaha dalka oo ay goob isugu yimaadeen kuna sheekaysteen isaga oo uga qisooday sida falkaasi u dhacay.
Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda ADMAS Professor Xuseen Cabdillaahi Maxamuud oo ka hadlaya sida arrintaasi layaabka lihi u dhacday waxa uu yidhi: “Nin ka mid ah guddoomiyayaasha jaamacadaha waddanka oo aannu saaxiib nahay ayaanu maalin dhawayd goob huteel ah kaffee ka ka wada cabnay oo isugu nimid oo aannu ku sheekaysannay. Arrimahan ayaa la soo hadal qaaday doorashooyinka iyo shuruudaha lagu xidhay iyo in la iska rabo shahaadooyin aqooneed iyo arrimahaasi ayaanu falanqaynay. Waxa uu iiga sheekeeyey sheeko aad u cajaa’ib badan oo dhanna aad u naxayso qaranka Somaliland dhanna ay kuu tilmaamayso wacyigeennu halka uu maanta joogo wali. Waxa uu ninkaa Guddoomiyaha ah ee aannu saaxiibada nahay igu yidhi waxa ii yimid koox odayaal ah oo hor kacaya nin musharrax ah. Soomaalidu baadi-soocda ay isku soo garataa waa haybta iyo wax isu ahaanshahee markaa ah nin aanu hayb ahaan is xigno oo odayaashaasi aanu isku haybta nahay wata. Odayaashu waxa ay leeyihiin ninkani waa musharraxeenii adiguna waxaad joogtaa jaamacaddeenii. Musharraxeenii maanta wax aad adigu hayso oo ah shahaado aqooneed ayaa maanta lagu xidhay. Waana ta uu maanta qayrkii kaga hadhayo shahaadadaasi halloo sameeyo. Waxaan anigu leeyahay markaa nimankaa waaweyn ee ninkaa u soo hor kacay isagana waxba umay tarin ninkaa ay hor kacayaan. Jaamacaddaasi ay u tageenna magaceeda iyo sumcaddeeda meel bay kaga dhaceen iyo waliba aqoonta iyo jaamacadaha waddanka ayay meel kaga dhaceen oo ay ceebaynayaan. Qarankana qofka u soo baxayaa qofka noocaasi ku soo baxay isaguna hadhaw waxa uu soo saari doono iyo halkay mari doonto waa wax aynu runtii aynu garan karayno.Qofkaa maanta wax doonayaa doorashooyinku muddo ayay soo taagnaayeen oo soo socdeen. Intaasiba waxbuu baran karayay hadduu diyaar yahay oo ummad doonayo in uu wax u qabto. Laakiin wax qof raba wax afka qalaad lagu yidhaa (short cut) oo ah wadiiqo yar oo gaaban in uu kaga soo boodo oo wax kaga guulaysto kaasina waa qof doonaya shahaado bug ah oo foojari ah oo suuqa lagu sameeyey in uu qaato oo uu ku soo baxo dee berrina qaranka Somaliland wuu foojari garayn oo isaga laftiisa ayuu habayn doonaa. Ilaahay taasina innaguma keeno”. Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda ADMAS Professor Xuseen Cabdillaahi Maxamuud.