Connect with us

somalilandtoday.com

Guddiyada Xulista Musharraxiinta Ee Xisbiyada Qaranka Oo Gondaha Iskula Jira Iyo Rag Miisaan Ku Leh Siyaasadda Oo Laga Reebay Saaxadda Tartanka + Doorka Wasaarada Waxbarashada

focus

Guddiyada Xulista Musharraxiinta Ee Xisbiyada Qaranka Oo Gondaha Iskula Jira Iyo Rag Miisaan Ku Leh Siyaasadda Oo Laga Reebay Saaxadda Tartanka + Doorka Wasaarada Waxbarashada

Guddiyada Xulista Musharraxiinta Ee Xisbiyada Qaranka Oo Gondaha Iskula Jira Iyo Rag Miisaan Ku Leh Siyaasadda Oo Laga Reebay Saaxadda Tartanka + Doorka Wasaarada Waxbarashada

(SLT-Hargeysa)-Guddiyada kala reebista iyo soo xulista Musharraxiintab u tartamaya Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda ee Saddex-da Xisbi Qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID ayaa mid kastaaba dhankeeda ay ku hawlan tay sidii fagaaraha tartanka doorashooyinka u keeni lahayd Musharraxiin ka iibsamay, isla markaana shurruudaha ay guddida doorashooyinku soo dhigeen buuxin karra.

Xoggo Wargeyska Foore halley ayaa sheegaya in saddexda Xisbi Qaran ay xarumahooda Hargeysa ay ka socoto hawsha kala xulista iyo kala raabista musharraxiinta, isla markaana uu Xisbi kastaa ku dedaalayo sidii musharraxiinta buuxiya shurruudaha iyo kuwa aan buuxin uu u kale saari lahaa hanaan beelaysan oo aad u foolxun oo muran badan ka dhalan doono, waxaanay xoggu xuseen in saddex-da Xisbiba mid walba uu dhankiisa reebay Musharraxiin aan buuxin karrayn shurruudaha guddida doorashooyinka iyo qaar wejiyadooda aanay ku cusbayn Bulshada oo hore loo soo tijaabiyey iyo qaar aan kalsooni ka haysan beesha ay kasoo jeedaan taasi oo dhalin karta buuq iyo ismarin waa marka laga eego hanaanka beelaysan ee ay Xisbiyaddu ugu salaynayaan soo xulista musharaxiinta ka dhex tarmaya Xisiga ee Deegaanka iyo Wakiilada. Qaar ka mid ah mayaaraddii mudada dheer xilka soo hayay ee Caasimadda Dalka ayaa qaarkood la sheegayaa in si hoose gudida Xisbiyadda meesha uga saareen islamarkaana ay kuwa kale fursad siiyeen.

Xisbiga KULMIYE

Xisbiga KULMIYE ayaa la sheegay inay Guddiyada Soo Xulista iyo Diyaarinta Musharraxiinta Golayaasha Wakiillada iyo Degaannada dalka oo kaashanaya ama garabsanaya Guddiga Maaraynta Khilaafyada Musharraxiinta ee Xisbigaas ay si badheedh leh u reebeen Musharraxiin waa weyn kuwaas oo kamid ahaa Guddoomiyihii hore guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir iiman,kaas oo ay ku sababeeyeen in Musharrax kale oo beesha ka soo jeedaa ka soo horreeyey kaasi oo watay taageero beesha ah oo mug leh isna aanu haysan taageerada, taasi oo Xisbigu wareegtada uu ku diiday soo saaray oo uu sababeeyey arintaasi oo waji gabax ku riday masuulkaasi oo doorkan si weyn iskugu diyaariyay tartan.

Waxa kale oo xogaha uu Wargeyska Foore ka hellay Xalay illo wareedyadaas ay xuseen in Xisbiga KULMIYE uu sidoo kale soo reebay musharraxiin kale oo iyana buuxin waayey shurruudihii musharraxnimo,kuwaas oo magac ku leh saaxadda siyaasadda dalka islamarkaana iskugu jira Deegaanka iyo Wakiiladda, halka qaarna lagu sheegay in aanay sidan shahaadooyin wax-barasho,kuwaas oo Xisbigu si hoose u qanciyey,waxaana la filayaa in badhtanka bishan uu soo saaro liiska kama dambaysta ah ee Musharraxiintiisa u tartamaysa doorashooyinka Degaanka iyo Wakiillada .

Xisbiga WADDANI

Guddiga kala xulista Musharraxiinta Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI uga qayb-galaya Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka oo uu Guddoomiye u yahay Gudoomiye ku meel gaadhka ah ee Xisbigu Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo iyana ku hawlan kala hufka musharraxiinta Xisbiga ugu qayb-galaysa doorashooyinka isku sidkan, ayaa la sheegay inay reebeen Musharraxiin dhawr ah kuwaasii oo ay qaarkood u badheedheen islamarkaana ay talo ku qanciyeen halka kuwa kalena ay u badheedheen oo ay meesha uga tuureen hanaan muran badani ka iman karo oo beelaysan taasi laga cabsi qabo inay muran xoogleh iyo buuq ka dhex abuurto xisbiga Gudahiisa. Caqabadda ugu culus ee WADDANI waajahayo ayaa loo badaninayaa inay salka ku hayso inaanay markii hore xadidin tiradda musharaxiinta islamarkaana ay qaateen tiro aad uga badan lambarkii loo baahnaa, arintaasi oo hadda murug badan iyo fikir badan ku abuurtay Gudida kala xulista Musharaxiinta iyo dhimista tiradda.

Xisbiga UCID

Guddiga kala shaandhaynta Musharraxiinta Xisbiga UCID uga qayb-galaya Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka oo Muddaysan inay dhacaan sannadkan bisha may 31,2021-ka oo iyana ku hawlan kale shaandhaynta Musharraxiinta Xisbiga uga qayb-gelay doorashooyinka isku lamaan, ayaa la sheegay inay rebeen musharraxiin kuwaas oo ay u mareen hanaan kala door bidid ah oo ay u sareen Gudi madax bannaan.wallow qaarna la sheegay in aanay sidan wax khibrad shaqo ah iyo shahaadooyin, halka qaarna ay ku hadheen warqadaha dabi la’aanta oo anay sidan. Dhinaca kale Wasaaradda Waxbarashada ayaa door weyn ku leh kana caawinaysa Gudiyadani qaabka xulista Musharaxiinta gaar ahaan dhinaca cadaynta shahaadooyinka ay sitaan iyo aqoontooda waxbarasho, waxaana jira ragga culus oo Xafiisyadda Xisbiyadan la tagay shahaado fooljari ah taasi oo markii loo diray Xafiiska Imtixaanaadka, ay ka fashilantay, halkaana ku guuldaraystay buuxinta Shuruudihii laga rabay. Si kastaba ha-ahaatee Xisbiyadda KULMIYE ,WADDANI iyo UCID ayaa guddiyadda ay u xilsaarteen kale xulista Musharraxiin waxay mid waliba ku foogantay sidii ay fagaaraha u keeni lahayd musharraxiin xul ah oo ay isku waafaqsan yihiin, sla markaana la soo fetashay oo buuxinayey dhammaan shurruudaha Musharraxnimo,waxaana xusid muddan illaa hadda sida ay xogguhu sheegeen inay saddex-da Xisbi reebaan siyaasiyiin kale duwan kuwaas oo buuxin waayey shurruudihii Musharraxnimo halka qaarna aanay wax kalsooni ah ka haysay beelahood oo sidaas lagu reebay. Waxaa aad looga cabsi qabaa in Xisbi waliba uu gaarkiisa u waajihi doono su’aalo kaga yimaadda qaabka uu u xushay liiska uu soo saarayo iyo jidka uu maray iyo sababta uu uga tagay masuuliyiin uu balag u lulay, waxaana la eegayaa suurtagalnimadda muran ka dhex istaadhma Gudaha Xisbiyadan iyo habka ay u xali doonaan.

More in focus

To Top