Connect with us

somalilandtoday.com

Xisbiyada Oo Ku Mashquulsan Kala Shaandheynta Liiska Murrashaxiinta, Xubno Bilaabay Inay Tanaasulaan Iyo Kuwo Loo Sheegay In Aan Meel Loo Hayn

focus

Xisbiyada Oo Ku Mashquulsan Kala Shaandheynta Liiska Murrashaxiinta, Xubno Bilaabay Inay Tanaasulaan Iyo Kuwo Loo Sheegay In Aan Meel Loo Hayn

Xisbiyada Oo Ku Mashquulsan Kala Shaandheynta Liiska Murrashaxiinta, Xubno Bilaabay Inay Tanaasulaan Iyo Kuwo Loo Sheegay In Aan Meel Loo Hayn

88 Maalmood Oo Keliya ayaa ka hadhsan Maalinta Loo Dareerayo Codbixinta Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka

 Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa ku mashquulsan kala shaandheynta Liiska Murrashaxiinta Xisbiyadaasi u meteli doona Doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, ee la filayo in ay ka dhacaan dalka bisha May ee soo socota.

Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID, tan iyo markii si rasmi ah loo shaaciyey qabsoomida doorashada, bilaabay in ay diyaariyaan Xildhibaannada ku meteli doono tartanka doorashooyinka soo socda, ayaa waxa imika ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u kala xuli lahaayeen Murrashaxiinta ay aqbaleen ee doonaya in ay iska sharaxaan Xisbigaasi, madaama oo lagu sii siqayo wakhtiga loo cayimay doorashada oo ay ka hadhsan tahay 88 maalmood.

Guddida xulinta iyo xalinta khilaafaadka murrashaxiinta u qaabilsan Xisbiyada, ayaa maalmihii u dambeeyey, waxa ay ku mashquulsanaayeen qaabkii ay u xulan lahaayeen Murrashaxiinta rasmiga ah ee buuxiyey shuruudaha iyo xeer-hoosaadyada ay u dhigeen kala xulashada Murrashaxiintooda, si ay u soo saaraan Liista Murrashaxiinta rasmiga ah ee ku meteli doona doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee iska sharaxaya Degmooyinka iyo gobollada dalka.

Xisbiyadan oo marki hore qaabilayey Murrashaxiinta hanka leh ee deegaannadoodu wataan iyo kuwo iskood si waday, ayaa waxa ay imika qiimeyn ku wadaan xubnaha ay is leeyihiin waa kuwo cod ay ku soo baxaan haysa iyo kuwa aan taageerada haysan ee Murrashaxa Deegaankoodu isku raacsan yahay Xisbi kale la geeyey.

Sidoo kale, waxa ay Xisbiyadu eegayaan Murrashaxiinta ay hayaan iyo weliba qaabkii ay ugu salayn lahaayeen saamiga Reeraha Xisbiga taageera iyo deegaanka laftiisa, iyaga oo murrashaxiin ay hore u aqbaleen ku war geliyey inuu ka buuxsamay Xisbigu oo aan meel loo haynin

Xubno murrashaxiin ka ahaa Xisbiyada Qaranka, ayaa waxa ay bilaabeen maalmihii ina dhaafay in ay tanaasulaan, ka dib markii qaarkood Xisbiyadu u sheegeen in aanay u haynin kuraas ay u tartamaan oo ay ka buuxsadeen, halka kuwo kalena Beelahoodu ku khasbeen in ay isu tanaasulaan xubnaha isku deegaanka ah ee saddexda Xisbi ka sharaxan.

More in focus

To Top