Murrashax Xubin Golle Deegaan Ma Ogtahay, In Aan Xildhibaan Lagu Yeedhi Dooni, In Aad Mushahar Lahayn, In Hantidada La Diiwaan Gelin Dooro Marka Aad Guuleysato Bil Gudaheed
Murrashax Xubin Golle Deegaan Ma Ogtahay, In Aan Xildhibaan Lagu Yeedhi Dooni, In Aad Mushahar Lahayn, In Hantidada La Diiwaan Gelin Dooro Marka Aad Guuleysato Bil Gudaheed
Golayaasha Deegaanka ee la dooran doono bish May ee Sannadkan aynu ku jirno ee 2021, ayaa si weyn uga duwanaan doona Goleyaashii Deegaanka ee la doortay labadii xilli doorasho ee hore ee kala ahaa 2002-kii iyo 2012-kii, marka loo eego dhinac tirada iyo xadidaad kale loo lagu sameeyey.
Wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Lr. 23/2019- sannadkii 2019-kii, ayaa waxa lagu soo daray qodob dhawr ah oo saameeyey tiradii hore ee xubnaha Goleyaasha Deegaanka Dalka, kuwaas oo la yareeyey tirada Xildhibaannadii hore, isla markaana magac xildhibaan laga beddelay oo loo bixiyey Xubin gole Deegaan.
Sida uu dhigayo Qodobka 22aad, ee Xeerka Ismaamulka Gobollada Iyo Degmooyinka, ayaa waxa uu so cad u qeexayaa in Xubnaha goleyaasha deegaanka loogu yeedhi doono xubin Gole Deegaan, sida uu tilmaanayo farqada koowaad ee Xeerkan oo u dhigan sidan