Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamad Ku Taalla Ingiriiska Oo Xukun Ku Ridey Nin Soomali Ah Oo Dilay Xaaskiisa

English

Maxkamad Ku Taalla Ingiriiska Oo Xukun Ku Ridey Nin Soomali Ah Oo Dilay Xaaskiisa

Maxkamad Ku Taalla Ingiriiska Oo Xukun Ku Ridey Nin Soomali Ah Oo Dilay Xaaskiisa

(SLT-London)-Maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska ayaa xabsi daa’in ku xukunta Xuseen Yuusuf Cigaal oo 66 jir ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu diley xaaskiisa.

Xuseen Yuusuf Cigaal oo ahaa darawal bas ayaa dilay xaaskiisa oo la odhan jirey Maryan ismaaciil oo ahayd 57 jir.

Booliska ayaa tegey guriga Cigaal kadib markii uu ugaga sheekeeyay xaaladiisa nin ay deris ahaayeen,waxana ninka uu wargeliyay in uu Cigaal sheegayo inuu dilay xaaskiisa.

Meydka haweeneyda u dhaxday Cigaal ayaa laga soo dhex helay gurigeeda maalin kadib markii uu dilay bishii April 2020.

Cigaal ayaa sheegay in xaaskiisa ay soo weerartay iyadoo ku andacooneysa inuu qabo Covid 19 uuna ka guuro guriga.

Hase yeeshee Cigaal waxa uu maxkamada u sheegay inuu is difaacayay oo aanu si ulakac ah u dilin xaaskiisa.

More in English

To Top