Connect with us

somalilandtoday.com

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Liiska Argagixisada Ku Daray Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab

focus

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Liiska Argagixisada Ku Daray Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Liiska Argagixisada Ku Daray Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab

(SLT-Muqdisho)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah u taageeray in xayiraad la saaro Saraakiil ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, sida lagu sheegay Warbixin kasoo baxday Golaha.

Saraakiisha la sheegay in Golaha Ammaanka uu liiska waxa loogu yeedho Argagixisada ku daaray ayaa lagu kala magacaabaa Abuukar Cali Aadan oo ah ku-xigeenka hogaamiyaha shabaab, Macalin Ayman iyo Mahad Karataay.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNa ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dowladda Mareykanka ay Golaha Ammaanka ka dalbatay in liiska Argagixisada loogu daray saddexda Sarkaal.

Erica Barks-Ruggles  oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska arimaha heyadaha Caalamiga ee Wasaarada Arimaha dibadda Mareykanka ayaa arintan ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.

More in focus

To Top