Connect with us

somalilandtoday.com

Suudaan Oo Maanta Eedeyn Culus U Jeedisay Itoobiya, Xiisadda U Dhaxaysa Labada Oo Sii Kordheysa

focus

Suudaan Oo Maanta Eedeyn Culus U Jeedisay Itoobiya, Xiisadda U Dhaxaysa Labada Oo Sii Kordheysa

Suudaan Oo Maanta Eedeyn Culus U Jeedisay Itoobiya, Xiisadda U Dhaxaysa Labada Oo Sii Kordheysa

(SLT-Khartoum)-Iyadoo ay taagan tahay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa labada dal ee ku saabsan soohdinta u dhaxeeysa, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan waxay sheegtay maanta oo Sabti ah in eedeynta Itoobiya ee ku aaddan in Suudaan ay la shaqeyneyso gacan saddexaad ay tahay gaf aan la cafin karin.

Sidoo kale bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa lagu  xusay in masuuliyiinta Itoobiya ay ku kaceen xad gudubyo la xidhiidha xadka labada dal, sido kalana ay weeraro gardaro ah ku hayaan dhulka Suudaan.

Xukuumadda Khartuum ayaa xustay in dhankooda ay u hoggaansami doonaan heshiisyada iyo sharciyada ilaalinta nabada iyo amniga, haddii Itoobiya la garato  deris wanaag kala dhaxeeya.

Tani ayaa timid ka dib markii Wasaaradda Arimaha Dibada  Ethiopia ay ku eedeysay dhigeeda Suudaan, bayaan ay shalay soo saartay, kaasi oo lagu qeexay in ciidamada Suudaan ay isku dayayaan in ay labada shacab ku qasbaan dagaal aan qiil lahayn.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top