Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiir Faratoon Oo Shaaciyey Inuu Xildhibaanimo Isu Sharaxayo

focus

Wasiir Faratoon Oo Shaaciyey Inuu Xildhibaanimo Isu Sharaxayo

Wasiir Faratoon Oo Shaaciyey Inuu Xildhibaanimo Isu Sharaxayo

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamud Faratoon, ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xildhibaanimo doorashada bisha MAY dhici doonta ee Golana Wakiillada.

Wasiir Faratoon, ayaa hadalkan ka sheegay Magaalada Yagoori ee Gobolka Sool, waxaanu xusay inuu u sharaxan yahay Golaha Wakiillada

Maalmihii u dambeeyey, ayaa waxa soo baxayey warar sheegayey inuu is casili doono Wasiirka Khaarajiga Somaliland, isla markaana uu isu sharaxi doono Golaha Wakiillada.

Yaasiin Faratoon, ayaa la sheegay in aanu hankiisu Xildhibaanimo keliya ahayn ee uu doonayo inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, iyada oo hankiisuna uu badhitaar ka helayo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

More in focus

To Top