Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Muqdisho

focus

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Muqdisho

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Muqdisho

Faah-faahin ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo dhowr daqiiqo kahor ka dhacay Magaalaad Muqdisho gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Bar koontarool oo ku taalla Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa gaadhi laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay meel ku dhow Bar koontarool oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana gaadhiga nuuciisu ahaa NOHA.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in gaadhiga uu markii hore xoog kusoo maray Koontarool Ciidanka dowladda ku leeyihiin oo ku yaalla Isgoyska Dabka, hayeeshee Ciidanka ay rasaas badan ku fureen gaadhiga, sidaasina uu qarxay.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo gaadhay dad shacab ah oo ku sugnaa hareeraha laamiga, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn inta uu la egyahay.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa goobta tegay, isla makaana la sheegay in gaadiidka lasoo saaray dad qaba dhaawacyo, kuwaasi oo la geeyay xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya ayaa xidhay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana dadka u jeedaya inay goobta ka agdhawaan, waxaana halkaas ka socda gurmad loo sameeynayo dadka waxyeelada soo gaadhay.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top