Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi, Guddoomiye Cirro Iyo Hoggaamiye Xirsi Oo Ka Hadlay Geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

focus

Madaxweyne Biixi, Guddoomiye Cirro Iyo Hoggaamiye Xirsi Oo Ka Hadlay Geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Madaxweyne Biixi, Guddoomiye Cirro Iyo Hoggaamiye Xirsi Oo Ka Hadlay Geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

(SLT-Hargeysa)-Madaxda badan oo reer Somaliland ah ayaa ayaa ka hadlay geerida Alle ha u naxariiste Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi.

Ugu horrayntii qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda Somaliland ayaa waxa lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Somaliland Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo ku geeriyooday makhribnimadii caawa oo ay taariikhdu tahay 12/02/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Suldaan Guud oo ka baxay shacbiga Somaliland iyo qarankaba, taariikh facweyna ku dhexlahaa bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, kana soo shaqeeyey aas-aaskii dhidibada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, iyo geedigii horumarka dalka oo uu ka mid ahaa waayeelkii iyo isimadii dedaalka dheer u galay dhismaha dalkeena.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa isaguna soo saaray qoraal uu kaga hadlay geerida Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi waxaanu yidhi “INNAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
Waxa aan tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa qoyskii, eheladii, bahdii dhaqanka, guurtidii, waxgaradkii, asxaabtii & Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland geerida naxdin leh ee caawa ku timid Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Beelaha Somaliland Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye.
ALLAH waxa aan uga baryayaa in Marxuum Suldaan Maxamed Jannatul firdowsa geeyo. Aamiin.”

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa isaguna ka hadlayay geerida Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi ayaa waxa uu yidhi “

إنا لله وإنا اليه راجعون
Waxa aan halkan Tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, Bahda dhaqanka iyo guud ahaan Qaranka Somaliland geerida ku timi Allah ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi, Suldaankii Guud ee Beelaha Somaliland oo Hargaysa ku geeriyootay.
Maarxuum Suldaan Maxamed waxa uu ahaa shakhsi ku suntanaa Nabadayntii Beelaha Somaliland iyo dhismaha Qaranka Somaliland oo uu qayb lixaadleh ka qaatay. Marxuum Suldaan Maxamed waxaan Allah uga baryayaa inuu Janadii firdowsa ka waraabiyo Qabrigana u waasiciyo dhamaanteenna Samir iyo Iimaan saadiq ah inaga siiyo.
Amiin Amiin Amiin.”

More in focus

To Top