Connect with us

somalilandtoday.com

“Labadii Musharax Waxa Loo Qaaday Mandheera, Haddaad Madaxweyne Isleeyahay Labadaad Wadato Uga Faa’iidayso Intay Xidhan Yihiin, Iyagoo Xabsiga Ku Jira Ayaanu Dooranaynaa”

focus

“Labadii Musharax Waxa Loo Qaaday Mandheera, Haddaad Madaxweyne Isleeyahay Labadaad Wadato Uga Faa’iidayso Intay Xidhan Yihiin, Iyagoo Xabsiga Ku Jira Ayaanu Dooranaynaa”

“Labadii Musharax Waxa Loo Qaaday Mandheera, Haddaad Madaxweyne Isleeyahay Labadaad Wadato Uga Faa’iidayso Intay Xidhan Yihiin, Iyagoo Xabsiga Ku Jira Ayaanu Dooranaynaa”

Ehelada labadii Musharax ee Xisbiga UCID ka sharaxnaa ee Xukuumaddu xabsiga dhigtay ayaa sheegay in Jeelka Mandheera oo masaafo ahaan aad uga fog Hargeysa loo wareejiyay, waxa ay sheegeen in huteelkii ay xafladda ku qabsanayeenna amar la siiyay, waxaanay ku hanjabeen inaanay is dhiibayn ee ay codkooda siinayaan iyagoo Xabsiga kujira.

Eheladdan oo Warbaahinta la hadlay Shalay ayaa waxa ay yidhaahdeen sidan “Waxaan idiin sheegaynaa in labaddii Musharax toos  Jeelka madheera loo geeyay, Gudoomiyaha Maxkamaddu waxa uu ii sheegay inay Booliisku waydiisteen mudo Xadhig xalaalayn ah “Rumaan” si ay dambiga ugu soo cadeeyaan, toos ayaa imika Labadii Xildhibaan loo geeyay”

Waxa kale oo hadalkooda ka mid ahaa “Mudane Madaxweyne haddii aad isleedahay labadaada Xildhibaan ee Kulmiye ayaad awoodii Xildhibaanaddan iyo taageerayaashoodii uga faa’iidaysan Xadhigooda oo way u codayn kuwaad wadato, Xaaraanbay taasi kaa tahay, oo walaahi ah, oo bilaahi ah, inaanay sidaasi noqonayn, Xisbiga UCID ee Sharafta lehi Musharaxiintayadu iyagoo xidhan ayuu Komishanka noogu gudbin doonaa, anaguna iyagoo Xidhan ayaanu dooran doonaa, xaataa haddii aad haysato illaa inta ay doorashadu dhacayso, dal iyo dibadba, iyo miyi magaalaba waanu ka dooran doonaa, iyagoo xidhan ayaanu dooran doonaaye intaad doonto hayso”.

Sidoo kale waxa hadalkooda ka mid ahaa “Huteelka Maansoor ayaanu tagnay, oo Xafladdii Musharaxiintani Khamiista ay ka dhacaysay Huteelkaasi Maansoor Huteel ee Hargeysa, Huteelkii waxa uu noo sheegay in Amar la siiyay, laguna xidhay Musharaxiintaasi oo soo baxa mooyee inaanay bixinayn kaadhadhka, marka hore waxaanu islahayn, Musharaxiintii oo naga xidhan oo cadaalad darro u xidhan haddana yaanay xafladiinu dhicin, Saddex Kun oo kaadh ayaa noo diyaarsanaa, waxaanu sheegayaan Taageerayaashii labada Xildhibaan in xafladeeni Khamiista maantu ay sidaasi inagaga gubatay laakiin dad daynaya aanaynu ahayn, Xafladdaasi halka ay ka dhici doonto, taasi ka xigtaanna xagga dambe ayaynu kasoo sheegi doonaa”.

Waxa ay sidoo kale yidhaahdeen“Madaxweyne Minbarka ugu sareeya ee Somaliland maanta adiga ayaa ku fadhiya, Umadda Illaahay ama raaska aad ka dhalatay, Bahalkan faraska ah ee la fuulo ee karaatoonta lagagaliyo hareeraha ee Baali-Gaadhiga la yidhaa ayay ahaayeen, 30-sannaddood ayay Muuse ahaayeen, oo ay sida diinta oo kale kuu qaateen, maanta haddii ay labaddii kartoon iska saareen, waxaan kuu sheegayaa in maanta 2021-kii lagu jiro, umaddii aad taqaanay ee ay Waraaquhu dhinacyada kaga jireen way dhamaadeen, maanta waxaa nool dad tashan kara oo dimuqraadiyadda la jaan qaadaya, oo afkaaga doraad waxa ka sheegtay, Xasaanadda, Xildhibaanada iyo karaamada ha la ilaaliyo, Isla maalintaasi ayaad labaatan gaadhi ayaad labadaasi inamadood ee yar yar aad ku soo qabatay”.

Ugu damayn waxa ay direen fariintan “Ujeedada nimankan loo eryanayo ee loo xidhay ayaa ah, inay ka taageero iyo ka shacbiyad bateen kuwa uu madaxweynuhu uu dhabarka soo taabtay, waana mid aanaan aqbali doonin, wax kasta oo lagu jidh dilana waa mid aanaan is dhiibi doonin, taageeraddu way soconaysaa, Xafladiina way soconaysaa oo ay dhacaysaa”.

More in focus

To Top