Connect with us

somalilandtoday.com

Farmaajo Oo Iclaamiyey Shirweyne Madaxda Dawladda Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyadu Ay Isugu Imanayaan Garoowe.

focus

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir isugu yeedhay madaxda maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Akhri qoraalka ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Muqdisho, Febaraayo 09, 2021: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.

DHAMMAAD

More in focus

To Top