Connect with us

somalilandtoday.com

Xoghayihii Hore Arrimaha Dibbada Maraykanka George Shultz Oo Geeriyooday

focus

Xoghayihii Hore Arrimaha Dibbada Maraykanka George Shultz Oo Geeriyooday

Xoghayihii Hore Arrimaha Dibbada Maraykanka George Shultz Oo Geeriyooday

(SLT-Washington)-Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka George Shultz oo si weyn u qaabeeyey siyaasaddii arrimaha dibadda dhammaadkii qarnigii 20-aad, ayaa dhintey isagoo da’diisa ay ahayd 100 sano.

Schultz ayaa Sabtidii ku dhintay gurigiisa oo ku yaal Stanford, California, sida uu sheegay Machadka Hoover.

Wuxuu xilal kala duwan ka qabtay xukuumadahii saddex Madaxweyne oo Jamhuuriya – Dwight Eisenhower, Richard Nixon iyo Ronald Reagan

1980-meeyadii Xilligii Mr Reagan, Mr Schultz wuxuu in badan isku dayay inuu hagaajiyo xidhiidhka dalkiisa la lahaa Midowgii Soofiyeet.

Xarunta daraasadka Hoover Institution, oo Mr Schultz uu si sharaf leh fikradihiisa ku soo bandhigi jiray ayaa sheegtay in ninkan dowliga ah uu kaalin weyn ka qaatay “bedelida jihada taariikhda isagoo adeegsaday diblomaasiyad si loo soo afjaro Dagaalkii Qaboobaa”.

Agaasimaha Mac’hadka Hoover Condoleezza Rice – oo iyadu ahayd xoghayihii hore ee arrimaha dibadda – waxay tidhi: “Saaxiibkeen wuxuu ahaa nin weyn oo Mareykan ah oo waddani dhab ah marka dhinac walba laga eego.”

”Taariikhda ayaa lagu xasuusan doonaa inuu yahay nin adduunka ka dhigay meel wanaagsan” , ayay tidhi Condeleeza Rice.

Wuxuu ku dhashay magaalada New York sanadkii 1920, Mr Shultz wuxuu bartay cilmiga dhaqaalaha ka hor inta uusan ka mid noqon ciidamada Marines-ka Mareykanka intii lagu guda iray Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Sannadihii 1950-meeyadii wuxuu qabtay jagooyin sare oo tacliimeed wuxuuna ka soo shaqeeyey maamulkii Eisenhower isagoo ahaa la taliye dhaqaale. Markii ay Jamhuurigu Aqalka Cad kula soo noqdeen Richard Nixon 1969, Mr Shultz waxaa loo magacaabay Wasaarada Shaqaalaha.

Markii dambena wuxuu noqday Wasiirka Maaliyadda Mr Nixon iyo ninka hoggaaminaya Golaha Siyaasadda Dhaqaalaha ee Maraykanka.

More in focus

To Top