Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyaha Sare Ee IRAN Oo Shuruud Ku Xidhay Qorshaha Mareykanka

focus

Hoggaamiyaha Sare Ee IRAN Oo Shuruud Ku Xidhay Qorshaha Mareykanka

Hoggaamiyaha Sare Ee IRAN Oo Shuruud Ku Xidhay Qorshaha Mareykanka

(SLT-Tehran)-Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa maanta oo Axad ah sheegay in Mareykanka ay tahay in uu qaado dhammaan cunaqabateynta hadii Washington ay dooneyso in Tehran in ay ka laabato tallaabooyinkeeda Nuclear-ka.

“Iran waxay fulisay dhammaan waajibaadkii ka saarnaa heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii, Haddii ay doonayaan in Iran ay ku laabato ballanqaadyadeedii, Mareykanka waa in uu marka hore cunaqabateynta oo idil qaado,” ayuu Khamenei ku qoray Twitter.

“Kadib marka aan xaqiijinno in dhammaan cunaqabatayntii la qaaday, markaa waxaan ku laabaneynaa ayididda buuxda ee heshiiska,” ayuu yidhi.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sannadkii 2018-kii ka baxay heshiiskii Nuclear-ka ee u dhaxeeyay Iran iyo lix quwadood, isaga oo dib cunnaqabateyn ugu soo rogay Tehran.

Iran ayaa ku xadgudubtay heshiiska, si ay uga jawaabto siyaasaddii Trump ee “cadaadiska”, laakiin waxa ay si isdaba joog ah u sheegtay in ay si dhakhso leh uga laaban karto xadgudubyadaas waa haddii cunaqabateynta Mareykanka la qaado.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top