Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya Oo Sheegtay Inay Xidhay Koox Dooneysay Inay Weerarto Safaaradda Imaaraadka Carabta Ee Addis Ababa

focus

(SLT-Addis Ababa)-Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in la qabtay 15 qof oo lala xidhiidhinayo qorshe lagu weerari lahaa safaaradda Isutagga Imaaraatka Carabta ee caasimadda, Addis Ababa.

Wakaaladda wararka Itoobiya ee loo soo gaabiyo (EPA) ayaa Arbacadii soo xigatay bayaan ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Qaranka Itoobiya NISS oo sheegtay in dadka la qabtay ay ku shaqeynayaa awaamiir shisheeye.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu soo qabtay Hub badan, waxyaabaha qarxa iyo dukumiintyo ay isticmaalayeen kooxdan la qabtay sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee FANA.

“Kooxdan oo awaamiirta ka qaadanayay  koox ajnabi ah oo argagixiso ah  ayaa isku diyaarinayay inay waxyeello weyn u geystaan ​​hantida iyo nolosha dadka,” ayeey tidhi EPA.

Laakiin lama sheegin cid gaar ah oo ay gacan saar la leeyihiin dadka la sheegay in la qabtay ee doonayay in ay weerarran safaaradda Imaaraadka ee Addis Ababa.

More in focus

To Top