Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyaha Mucaaridka Oo Lagu Xakumay 3 Sanno Oo Xabsi Ah

focus

Hoggaamiyaha Mucaaridka Oo Lagu Xakumay 3 Sanno Oo Xabsi Ah

Hoggaamiyaha Mucaaridka Oo Lagu Xakumay 3 Sanno Oo Xabsi Ah

(SLT-Moscow)-Maxkamad ku taalla magaalada Moscow ayaa xabsi saddex sanno iyo badh ah ku xakuntay, hoggaamiyaha mucaaridka Ruushka Alexei Navalny.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Navalny uu ku xadgudbay xakun hore ugu dhacay oo farayay in aanu ka bixi karin Ruushka. Alexei Navalny ayaa sannadki hore u baxay dalka Jarmalka, si looga soo daweeyo sumeyn Ruushka loogu geystay.

Navalny, oo ah shakhsiga ugu caansan dadka dhaliila siyaasadda hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa xakunka ku dhacay ku tilmaamay iskuday aan macna ku fadhin oo uu Aqalka Kremlin-ka ku rabo inuu ku cabsigeliyo malaayiin Ruush ah, si ay ugu jilba-jabsadaan Putin.

Taageerayaasha Navalney ayaa waxyar kaddib marki uu dhacay xakunka maxkamadda, isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn sida Moscow iyo St. Petersburg. Qaarkood ayaa waxaa xidhay ciidanka booliska.

Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Germany ayaa ugu baaqay Moscow, in ay si dag dah ah ay u sii dayso hoggaamiyaha mucaaridka Navaln.

More in focus

To Top