Connect with us

somalilandtoday.com

Abiy Ahmed Oo Baaq U Diray Shacabka Itoobiya

focus

Abiy Ahmed Oo Baaq U Diray Shacabka Itoobiya

Abiy Ahmed Oo Baaq U Diray Shacabka Itoobiya

(SLT-Hargeysa)-Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay shacabka dalkaas ee ku nool qurbaha inay ka fogaadaan wararka been abuurka ah isla markaana ay ka hortaggaan arrintaas.

“Waxaan idiin kuugu baaqaya in aad ka hortagtaan wararka been abuurka ah ee ku saabsan in beesha caalamka loo sheego xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka” ayuu Abiy kusoo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Hadalka Abiy ayaa imaanayaa xilli dhawaan hoggaamiyaha baxsadka ah ee gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa markii ugu horreysay farriin soo diray muddo ka badan laba bilood oo uu dagaal ka socday gobolkaas kaddib markii cod laga soo duubay lasoo dhigay baraha bulshada.

Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in la baadho waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ay ciidammada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay ka geysteen gobolka intii uu dagaalka ka socday Tigray.

More in focus

To Top