Connect with us

somalilandtoday.com

Jeneral Maxamed Nuur Galaal Oo MUQDISHO Lagu Dilay

focus

Jeneral Maxamed Nuur Galaal Oo MUQDISHO Lagu Dilay

Jeneral Maxamed Nuur Galaal Oo MUQDISHO Lagu Dilay

Allaha u naxariistee Jeneral Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan Soomaaliya ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Geerida Jeneral Galaal ayaa waxa xaqiijiyey mas’uuliyiin ka tirsan hoteelka la weeraray.

Hotelka ayaa dhanka kale waxaa laga soo bad-baadiyey saraakiil kale oo ay ka mid yihiin General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade iyo Laba Afle.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dad shacab ah iyo askar, inkasta oo aan weli la heyn tirada rasmiga ah.

Hoteelka Afrik, oo ku yaalla waddo aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa waxaa albaabka laga galo ka dhacay qarax xooggan kadibna waxaa gudaha u galay dabley Al-Shabaab ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

More in focus

To Top