Connect with us

somalilandtoday.com

Waa Kuma Gen Ina Bogmadow Ee La Sawiran Wasiir Dube

focus

Waa Kuma Gen Ina Bogmadow Ee La Sawiran Wasiir Dube

Waa Kuma Gen Ina Bogmadow Ee La Sawiran Wasiir Dube

Ninka Gen ah ee la sawiran Wasiir dube magaciisa waxa la yidhaahdaa Gen Cali Maxamed Maxamuud ( Bog-madow) waxaanu ku magac dheer yahay Ina bogmadow .

Hadaba waa kuma Ina bogmadow , maxaadse ka taqaanaa Dembiyadi dagaal ee uu galay ?

Gen Bogmadow wuxuu ka tirsanaan jirey ciidamadii Dawladdii Maxamed Barre gaar ahaan Guutadii la odhan jirey Guutadda Dabar-goynta Isaaqa ee ku santanayd Guutadda 86aad ee fadhigeedu ahaa Cadaadley .

Sanadihii 80 maadkii isagoo ah Kabtan wuxuu haysan jirey urur xaruntiisu tahay Tuuladda Xayndaanle ee Degmadda Oodwayne iyo Lebi-sagaala , Ururkiisuna wuxuu ku qalabaysnaan jirey baabuurta dheeraysa ee loo yaqaaney Sabaaxyadda ( Farda-jaan) Toyote/4le yaasha   dheeraya iyo Beebeeyo , waxaanu ururkiisu fulin jirey dilka , dhaca , boobka iyo kufsiyada , waxaanu dhibaato badan ka gaystay deegaanadda Oodwayne , Cadaadley ilaa xuduudka Ina-guuxa iyo Laas-geel .

Sheekooyinka la iiga waramey waxaa ka mid nin beerlay ah oo naafo ah oo imika degen Saba-wanaag ayay ciidankisu ugu yimaadeen casar gurigii uu joogey ka dibna saacad yar bay ku maageen muran yar ka dib lugta ayay xabad kagga dhufteen sidii ayaanu ku naafoobey .

Waxa kale oo ka midda inan iyo hooyadeed oo wata awr raashin sida oo inantii iyo islaantii ay meel ku wada kufsadeen , awrkii iyo raashinkiina isku karsadeen .

Si kastaba ha ahaatee , Ina Bogmadow markii dambe wuxuu ahaa taliyihii guutadda Cadaadley 1989-90 , waxaanu waagaa gaystay xasuuq aan xisaab la hayn , waxaanu Taliye kooxeed , taliye urur ilaa Taliye guuto uu ka gaadhey hogaaminayay Guutadii naxariista darayd ee la odhan jirey Dabar-gaynta Isaaqa .

Markii ay burburtay dawladii Maxamed siyaad , Ina bogmadow weligi ma imanin Somaliland waxaanan maqli jirey in uu joogo Dhagax-buur , hassa yeeshee sanadkii 2018 ayaa Farmaajo u magacaabay taliyaha qaybta 43aad una dalacsiiiyey derejeda Gen isagoo ku abaal marinaya doorkii uu ka qaatay xasuuqii Beelaha Isaaq .

Soomaaliddu waxay ku maahmaahdaa cimrigaaga oo dheeraada geel dhalaayana wuu ku tusayaa , Maanta Ina Bogmadow maanta waakaa la yaaban oohinta Wasiir dubbe ee u qajjilsan .

FG , taariikhda ina bogmadow si loo baadho waxaan codsanayaa in la waraysto dadka deegaanadda Lebi-sagaala , Xayndaanle , Daba-gorayaale , Cadaadley ilaa laas-geel iyo saraakiishi snm , sidda madaxda sooyaal .

Waxa Qoray, Ahmed Nuur Guruuje

More in focus

To Top