Connect with us

somalilandtoday.com

Imaaraadka Carabta Oo Lagu Daray Dalalka Dadkoodu Laga Mamnuucay Inay Tagaan Ingiriiska

focus

Imaaraadka Carabta Oo Lagu Daray Dalalka Dadkoodu Laga Mamnuucay Inay Tagaan Ingiriiska

Imaaraadka Carabta Oo Lagu Daray Dalalka Dadkoodu Laga Mamnuucay Inay Tagaan Ingiriiska

(SLT-Dubai)-Imaaraadka Carabta, Burundi iyo Rwanda ayaa lagu daray liiska cas ee dalalka laga mamnuucay in dadkoodu ay safarro ku tagaan UK.

Tallaabada oo looga gol leeyahay joojinta faafitaanka nooca cusub ee Coronavirus ee ka soo unkamay Koofur Afrika, ayaa dhaqan galaysa maanta oo Jimce ah.

Dadka u dhashay Britain, Ireland iyo kuwa xaqa degganaanshaha ku leh Ingiriiska ayaa loo oggolaan doonaa inay galaan dalkaas balse waxay ku qasban yihiin inay muddo 10 maalmood ah guriga isku karantiilaan.

Tiro ka tirsan dadka caanka ka ah baraha bulshada ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay booqday Dubai iyadoo UK ay mamnuucday safarrada aan muhiimka ahayn.

More in focus

To Top