Connect with us

somalilandtoday.com

Komishanka Doorashooyinku Ma Ku Dhamaystiri karaan 122 Maalmood Ee Ka Hadhsan Maalinta Ay Cayimeen doorashada Hawlaha Culus ee Horyaalla?

focus

Komishanka Doorashooyinku Ma Ku Dhamaystiri karaan 122 Maalmood Ee Ka Hadhsan Maalinta Ay Cayimeen doorashada Hawlaha Culus ee Horyaalla?

Komishanka Doorashooyinku Ma Ku Dhamaystiri karaan 122 Maalmood Ee Ka Hadhsan Maalinta Ay Cayimeen doorashada Hawlaha Culus ee Horyaalla?

(SLT-Hargeysa)-Komishanka Doorashooyinku Ma Ku Dhamaystir karaan 122 Maalmood Ee Ka Hadhsan Maalinta Ay Cayimeen Hawlaha Culus ee Horyaalla?

Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa bisha May 31-keeda u cayimay in ay qabanayaan doorashada isku sidkan ee Wakiillada Iyo Deegaanka, taas oo weli u baahan in madaxweyne ku soo saaro digreeto rasmi ah.

Wakhtiga Komishanku u qorsheeyey qabashada doorashadan, ayaa waxa ka hadhsan 122 maalmood oo keliya, iyada oo ka hor muddadaas ay Komishanka horyaalaan hawl culus oo u gogol xaadhaya qabsoomida doorashooyinka.

Hawlahan horyaalla Komishanka oo qaarkood dhamaystirkooda gacanta lagu hayo, ayaa haddana waxa jira hawlo muhiom ah oo aan weli bilow taagnayn, kuwaas oo ay ka mid yihiin murrashaxiinta Xisbiyada ee ka qayb galaya doorashada oo aanay weli Xisbiyadu dhamaystirin.

Waxyaabaha kale ee Guddids doorashada horyaalla, waxa ka mid ah:

1. Samaynta Goob beddelka dadka danaynaya

2. Soo Saarida Liiska Kama dambaysta ah ee Codbixiyeyaasha doorashooyinka.

3. Daabacaada Kaadhadhka Codbixinta ee Dadkii Wejiga Labaad is diiwaan geliyey.

4. Kaadh Qaybinta Codbixiyeyaasha

5. Samaynta Astaamaha Murrashaxiinta ka qayb galaysa tartanka doorashada Wakiillada iyo Deegaanka.

6. U Qori tuurista Saddexda Xisbi ee qaabka ay Magacyadoodu ugu kala horreynayaan warqada Codbixinta

7. Daabacaada Warqada codbixinta

8. Dejinta Jadwalka Ololaha doorashada Wakiillada iyo Deegaanka

9. Qorista iyo tababarida shaqaalaha iyo hawlwadeennada ka shaqaynaya doorashoooyinka.

10. Qabashada Liiska Murrashaxiinta

11. Hubinta Buuxinta Xildhibaannada ee Shuruudihii loo dejiyey murrashaxiinta

12. Daabicida Liista Murrashaxiinta oo goboleysan iyo astaamaha

13. Diyaarinta dhaqaalaha lagu qabanayo doorashada Wakiillada iyo Deegaanka

More in focus

To Top