(SLT-Washington)-Markii ugu horreysay tan iyo marki loo dhaariyay xilka, ayuu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden salaasadii shalay khadka telefoonka kula hadlay hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin.
Biden ayaa Putin u gudbiyay walaaca uu ka qabo arrimo dhowr ah, oo ay ku jiraan xadhiga ay xukuumadda Moscow u geystay hoggaamiyaha mucaaridka Ruushka Alexei Navalny.
Wuxuu sidoo kale kala hadlay, ololaha weerarka dhanka internetka ee uu Ruushka ku qaadday Washington iyo lacago uu madxahooda dul dhigay Ruushka dilka askarta Mareykanka ee Afghanistan.
Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka hadlay kordhinta heshiiska xakameynta hubka niyukleer ee labada waddan kaas oo dhacaya, marka la gaadho billowga bisha February.
Biden ayaa toddobaadkii hore la hadlay, Ra’iisul Wasaarayaasha Canada, Britain, madaxweynayaasha Mexico iyo Faransiiska iyo hoggaamiyaha Jarmalka.