Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda MASAR Oo Ku Fashilantay Qorshe Ay Ka Damacsaneyd Soomaaliya, Dhinaca Somaliland Oo Ay U Soo Wareegtay, Turkiga Oo Ka Hadlay

News

Dawladda MASAR Oo Ku Fashilantay Qorshe Ay Ka Damacsaneyd Soomaaliya, Dhinaca Somaliland Oo Ay U Soo Wareegtay, Turkiga Oo Ka Hadlay

Dawladda MASAR Oo Ku Fashilantay Qorshe Ay Ka Damacsaneyd Soomaaliya, Dhinaca Somaliland Oo Ay U Soo Wareegtay, Turkiga Oo Ka Hadlay

(SLT-Hargeysa)-Dowladda Masar ayaa ku guul-darreysatay isku day ay ku dooneysay inay saameyn siyaasadeed ku yeelato Soomaaliya, waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu.

“Sannadkii tegay, Masar waxay marar badan isku dayday inay saaxiib la noqoto dowladda Soomaaliya, ayada oo u ballan-qaadeysa taageero millatari,” ayuu yidhi diblomaasi sare oo ay soo xigatay Anadolu.

“Mas’uuliyiinta Soomaalida waxay garowsadeen qorshaha xun ee Masar ay damacsan tahay, wayna diideen kaalmada millatari ee loo yaboohay,” ayuu yidhi.

Sida uu sheegay diblomaasiga, kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday yabooha, Masar ayaa u weecatay Somaliland, oo sheegta inay ka madax-banaan tahay Soomaaliya, islamarkaana xiisad ay kala dhaxayso dowladda Soomaaliya.

Qaahira ayaa bishii July waxay mas’uuliyiinta Hargeysa weydsiiteen inay u ogolaadaan inay sladhig millatari halkaas ka sameysato.

“Masaarida aad u ogyihiin in xidhiidhka xun ee Muqdisho iyo Hargeysa uu xilli kasta isku beddeli karo dagaal. Waxay isku dayayaan inay shidaal kusii shubaan dabka,” ayuu yidhi diblomaasiga.

Saameynta xooggan ee Masar ay dooneyso inay ku yeelato Geeska Afrika ayaa waxaa sabab u ah xiiisadda kala dhaxeysa Itoobiya ee salka ku haysa biyo-xidheenka Nile, waxaana Masar ay dooneysaa inay gacanta ku dhigto xulufaysiga Soomaaliya, Somaliland iyo Sudan si ay gees ugu riixdo Addis-Ababa.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaxiib dhow la ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, wuxuuna cadaawaddii qarniyo u dhaxeysa labada dal ku beddelo saaxiibtinimo ku timid saacado gudahood, taasi oo wiiqday qorshaha Masar.

More in News

To Top