Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkadda Facebook Oo U Hoggaansantay Cadaadiska Turkiga

focus

Shirkadda Facebook Oo U Hoggaansantay Cadaadiska Turkiga

Shirkadda Facebook Oo U Hoggaansantay Cadaadiska Turkiga

(SLT-Ankara)-Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay billaabeyso hanaan ay ku magacaabeyso wakiil ku sugan Turkiga, si ay ugu hoggaansato sharci muran dhaliyey oo lagu maamulayo shirkadaha baraha bulshada.

Sharciga oo la meel-mariyey bishii July ayaa ku qasbaya shirkdaha baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter inay wakiilo ku yeeshaan Turkiga, si ay ula macaamilaan cabashooyinka ka dhanka ah waxyaabaha lasoo dhigo bogaggooda.

Shirkaddii diida inay wakiil magacowday ayaa waxay wajahaysaa ganaaxyo, xayeysiimaha oo laga joojiyo iyo xawaaraha Internet-ka oo laga yareeyo, taasi oo ka dhigeysa in shabakadahoodu noqdaan kuwa culus.

“Go’aanka ma beddelayo Xeerarka Bulshada ee Facebook, iyo hanaanka caalamiga ah ee eegista codsiyada dowladda, waana la bixi doonnaa wakiilkeena haddii aan wajahno cadaadis,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Facebook.

Sida ku xusan sharciga, wakiilka shirkadaha baraha bulshada, waxa uu qaabilsanaan doonaa inuu ka jawaabo codsiyada shaqsiyeed ee ku saabsan inuu bogga ka saaro waxyaabaha ku xadgudbaya xuququda qofka iyo asturnaanta xogtiisa, 48 saacadood gudahood ama inuu bixiyo sabab uu ku diiday.

Shirkadda ayaa waxaa loo qabsan karaa magdhow haddii waxyaabaha ku jira aan laga saarin ama la xannibin 24 saacadood gudahood.

Facebook ayaa ku biireysa LinkedIn, YouTube, TikTok, Dailymotion iyo VKontakte oo hore wakiilo ugu soo magacaabay Turkiga.

More in focus

To Top