Connect with us

somalilandtoday.com

Joe Biden Oo Saxeexay Wareegtooyin Madaxweyne Oo Uu Ku Laalay Go’aamo Uu Hore U Qaatay Trump Oo Ay Ka Mid Yihiin Xayiraaddii Safar Ee Soomaalida

focus

(SLT-Washington)-Joe Biden oo shalay loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha 46 aad ee Mareyakanka isagoo si rasmi ah ula wareegay xafiiska Aqalka Cad ayaa saacado un kadib dhaartiisa saxeexay wareegtooyin Madaxaweyne oo uu ku laalay wareegtooyin hore uu u dhaqangaliyay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Trump.

Madaxweynaha cusub wareegtooyinka uu saxeexay waxaa kamid inuu hakiyay xayiraaddii safar ee Madaxweynihii hore ee Trump uu kusoo rogay 7 waddan oo kamid ah dalalka Muslimiinta oo Soomaaliya ay kujirto in doodkooda ay u socdaalaan Mareykanka.

Amarkan ayaana dad badan u dhashay dalalka xayiraadda lagu soo rogay si weyn u saameeyay afartii sanno ee lasoo dhaafay.

Waxuu joojiyay darbigii Trump uu ka dhisayaay xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico.

Waxuu sidoo kale Mareykanka dib ugu celiyay heshiiskii cimilada ee Paris, isagoo dib uga laabtay xeerarkii uu Trump ku khafiifiyay wasakhowga hawada.

Joe Biden ayaa wareegtooyinka uu soo saaray dhaartiisa kadib waxaa kamid ah, inuu qasab kaga dhigay qof kasta oo galaya dhismayaasha dowladda federalka ee Mareykanka inay soo xidhaan Mask wajiga lagu xidho, taas oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Coronavirus iyo qodobbo kale.

More in focus

To Top