Connect with us

somalilandtoday.com

Trump Oo Saacadaha Ugu Dambeeya Ee Madaxtinimadiisa Cafis U Fidiyay Dad Badan

focus

Trump Oo Saacadaha Ugu Dambeeya Ee Madaxtinimadiisa Cafis U Fidiyay Dad Badan

Trump Oo Saacadaha Ugu Dambeeya Ee Madaxtinimadiisa Cafis U Fidiyay Dad Badan

(SLT-Washington)-Madaxweynaha xilka kasii degayo ee Mareykanka Donald Trump ayaa cafis u fidiyay la taliyihiisii hore Steve Bannon kaas oo wajahayay dacwado la xidhiidha musuq maasuq.

Arrintani ayaa imaaneysaa xilli saacado uun ay ka hadhsan yihiin caleemo saarka madaxweynaha la doortay Joe Biden.

Trump ayaa sidoo kale cafis u fidiyay in ka badan 70 qof oo kale sacaadaha ugu dambeeyay ee xilka madaxweynaha.

Mr Bannon wuxuu ahaa la taliyihii Trump xilliggii ololaha doorashada 2016-kii, waxaana bishii Agoosto ee sannadkii lasoo dhaafay lagu soo oogay dacwad ah musuq maasuq oo ku saabsan olole lacag uruurin ah oo ku saabsan dhismaha gidaarka xuduudka Mexico iyo Mareykanka.

Mr Biden ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah galinka dambe loo dhaariyo xilka madaxwaynanimada.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay mudda xileedka madaxwayne Trump ayaa waxaa hadheeyay weerarkii taageerayaashiisa ay ku qaadeen dhismaha Capitol Hill, halkaasi oo dabad-baxayaashu ay u dhaceen aqalka Congreska.

More in focus

To Top