Connect with us

somalilandtoday.com

Fanaaanada Caanka Ah Nimco Dareen Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Hees Ay U Qaaday Maayirka Magaalada Hargeysa Iyo Qaraal Been Abuur Ah Oo Lagu Faafiyay facebook-ga

focus

(SLT-Hargeysa)-Fanaaanada caanka ah Nimco Dareen ayaa markii horraysay ka hadashay hees ay u qaaday Maayirka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco iyo qaraal been abuur ah oo lagu faafiyay bog facebook ah oo uu magaceedu ku qoran yahay.

Fannaanada Nimco Dareen ayaa waxa ay sheegtay in iyadu ay ka codsatay inay maayirka u qaado heestaasi isla marka uu maayirku ka ka aqbalay codsigeeda.

Fanaanada Nimco Dareen ayaa sidoo kale waxa ay ka hadashay qoraal lagu baahiyay bar Facebook ah oo magaceedu ku qoran yahay waxaanay caddaysay in ayna iyadu lahayn Facebook-gaasi, waxaanay sheegtay inay soo xaqiijisay in facebookgaasi uu leeyahay oo uu maamulo wiil Soomaali ah oo wax ka barta dalka Malaysia, waxaanay sheegtay in warkaasi ay buunbuuniyeen dad doonayay inay isku diraan iyo Maayir Soltelco.

Fannaanada Nimco Dareen ayaa ugu dambayntii waxa ay bulshada reer Soomaliland iyo Maayirka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco waxa ay ka raaligelisay wararkaasi been abuurka ee lagu baahiyay baraha bulshada.

More in focus

To Top