Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyaha Ugu Weyn Mucaaradka Dalka Rusha Oo La Xidhay

focus

Hoggaamiyaha Ugu Weyn Mucaaradka Dalka Rusha Oo La Xidhay

Hoggaamiyaha Ugu Weyn Mucaaradka Dalka Rusha Oo La Xidhay

(SLT-Mascow)-Ninkan oo lagu magacaabo Alexei Navalny  islamarkaana ah hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalkaasi Rushka kaddib markii sida lagu waramayo diyaaradii siday ay ku soo digtay garoonka ku yaala magaalada Moscow.

44 jirkan ayaa 5 bilood ka hor ka badbaaday sunta nooca waxyeeleysa neerfaha oo loo adeegsaday.

Waxaa la arkayay  isaga oo ay booliska u sii kaxeynayaan goobta lagu baadho baasaboorada ee garoonka sida ay sheegeen dad arkayay.

Waxaa jira eedeymo culus oo ka dhan ah hoggaamiyaha oo loo jeedinayo dowladda Ruushka oo rumeysan yahay in ay iyadu ka dambeysay isku  deygii la doonayay in ninka lagu sumeeyo.

Sidoo kale waxaa jirta cadho ka dhalatay xadhigiisa oo ay muujinayaan taageerayaasha hoggaamiyahan oo ka soo horjeeda dowladda Rushka.

Ka hor inta aan ninkan la xidhin waxaa jira dad badan  oo isugu soo baxay ilinka hore ee garoonka kuwaa oo doonayay in ay salaamaan hoggaamiyaha, balse waxaa ay ka war heleen in laga weeciyay garoonkii ay ku sugayeen.

More in focus

To Top