Connect with us

somalilandtoday.com

“Jabuuti Dagaal Yar Haddii Uu Ka Qarxo Saacad Gudaheed Qaxootigu Lawyocaddo Ayuu Isa Soo Dabaqabsan Doonaa…” Cali Guray

focus

“Jabuuti Dagaal Yar Haddii Uu Ka Qarxo Saacad Gudaheed Qaxootigu Lawyocaddo Ayuu Isa Soo Dabaqabsan Doonaa…” Cali Guray

“Jabuuti Dagaal Yar Haddii Uu Ka Qarxo Saacad Gudaheed Qaxootigu Lawyocaddo Ayuu Isa Soo Dabaqabsan Doonaa…” Cali Guray

Djibouti Iyo Saamaynta Xaaladda Cusub Ee Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya

Maanta waxan BBCda ka dhegaystay in goob ciidan oo ku taala gobolka Tojura ee dalka Jabuuti koox dablay ah ay weerartay dhimasho iyo dhawaana ay jiraan. Alleh ha sahlo eh dagaalada qoomiyadaysan ee dalka Itoobiya waxay u egyihiin kuwo ka sii daraya maalinba maalinta ka dambaysa kana sii gudbaya xataa xuduudihii Itoobiya. Mustaqbalka dhaw dhulka ay soomaalidu degto halka ugu dhaw in la isla soo jiidhi karaa waa dalka Jabuuti oo aan xamili karin inta ugu yar hadii la isla soo jiidho. Gaar ahaan hadii Qoomiyadda Canfarta oo dhulkoodu hadda sadex dal ku dhex qaybsan yahay ( Itoobiya, Calatariya, iyo Jabuuti) ay u arki arkaan fursad in ay hal dhinaca isugu lugo duwato.

Dhulka dalka Jabuuti oo loo yaqaan dhulka Canfarta iyo Ciisahaha 70% waa degaan ay Qoomiyada Canfurtu iska leedahay hadana muddo ka badan 40 sanadood oo dalka Jabuuti uu haystay madaxbanaanidiisa aanu mar keli ah kursiga Madaxwaynaha fursad u helin qof ka soo jeeda qoomiyadda Canfarta, taasoo loo fasiran karo in kursiga Madaxwaynaha Jabuuti aanu dhex u ahayn qoomiyadda Canfarta iyo reerka Ciise ee iyagu soomaalida ka soo jeeda in kasta oo aan dhinaca dawladda Jabuuti laga jeclayn magaca soomaalida arinkuna yahay uun “Canfar iyo Ciise” tan iyo 1967kii.

Sida uu u fakarayo Madaxwayne Geelle soomaalidu waa afar isaga oo hadana og in marka Somaliland iyo Somaliya oo iyagu 100% soomaali ah laga reebo labada kale laftoodu ay qoomiyado badan  qaranimadooda la wadaagaan iyagoo aan ahayn reer ama reero ee ah qoomiyad soomaaliyeed sidaana lagu ogol yahay loona aqoonsan yahay laguna Ixtiraamo soomaalinimadooda sida Soomaalida Itoobiya iyo soomaalida Kenya. Nasiib darro siyaasadda Dawladda Jabuuti ayaa sabab u ah in Jabuuti aan loo arkin dhul ay soomaalidu wax ku leedahay balse loo arko uun “Dhulka Canfarta iyo Ciisaha” magaca soomaalina uu noqdo wax aan ka jirin Jabuuti.

Hadaba laga yaabaa in intii hore uu Ismaciil Cumar u arkayay in taasi ay dan gaar ahi ugu jirtay reerkiisa oo reer ab iyo isir loo yaqaano in uu yahay reer soomaaliyeed yahay dabcan iyaguna sidaa isu arka ee aan isu arkin in ay yihiin wax aan ahayn soomaali.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh dhacdadan lagu weeraray ciidanka nabadgelyada ee Jabuuti maaha wax wayn waxayse u egtahay bilaw. Hadii ay tii ugu horeysay tahay laga yaabaa in aanay ahayn tii ugu dambaysay. Dhinaca kale waxaynu beryahan dambe la soconay in ay jireen isku dhacyo hubaysan oo dhex marayay ciidamo ka soo kala jeeday labada qoomiyadood ee soomaalida Itoobiya iyo Canfarta Itoobiya iyadoo inta badan ay weeraradu ka soconayeen dhinaca Canfarta. Qoomiyadda Canfarta soomaalida keliya ee ay oodwadaaga yihiin xaga Jabuuti iyo xaga Itoobiyaba waa reerka Ciise dagaalada iyo isku dhacyada hubsanina waxay ahaan jireen caadi iyadoo loo nisbayn jiray inta badan sababo dhinaca isriixa degaanada balse looma nisbayn jirin colaado qoomiyadaysan intii hore oo dhan balse colaadaha qoomiyadaysan ee ka soo cusboonaaday Itoobiya ayuun baa loo nisbayn karaa waana arin ka fiirsigeeda gaarka ah leh.

Madaxwayne Geelle laga yaabaa in isagu aanu sidaa u arkin ee si kale wax u arko balse anigu waxan saadaalin karaa hadii dagaalada qoomiyadaysan ee ku sii fidaya Itoobiya iyo inta la deriska ah dabkoodu aanay gaadhi karin gebi ahaanba dhulka soomaalidu ay degto badankiisa halka se ugu dhaw uguna horeysa ee laga yaabo in dabkaasi uu ku Fidi karaa maaha dhulka kale ee waa Jabuuti.

Sidaa daraadeed Madaxwayne Geelle arinka ugu muhiimsan ee wakhtigan isaga u yaal maaha arimaha uu ku talaxtago ee Somaliland iyo Somalia oo intii ka dambaysay burburkii Jamhuuriyaddii Somaliyeed uu isagu  si kasta uga faaiidaystay xaaladdii burburka ilaa uu gaadhay in uu noqdo Madaxwaynaha keliya ee Soomaaliyeed wax badanna ku helay. Maanta hawsha ugu muhiimsan ee isaga u taalaa waa sidii dalka Jabuuti ee uu Madaxwaynaha ka yahay uga badbaadin lahaa halisaha ku soo foolka leh ee dagaalada qoomiyadaysan ee ka socda dalka Itoobiya oo laga yaabo in ay ka soo gudbaan xuduudaha Itoobiya. Ta ugu horaysa ee la gudboonina waa ta ugu adag xagiisa oo ah in uu bilaabo dibu-qaabayn siyaasadeed ( political reform) oo degdeg ah oo wax badan ka bedeli kara dhinacyada qaybsiga awoodda (power sharing) iyo dhaqaale ( resource sharing) iyo weliba xakamaynta musuqmaasuqa sidii webi karaar dhaafay karkaarada jebiyay si uu sees adag u dhigi karta dawladnimo iyo qaranimo midaysan oo loo wada dhan yahay, isaga oo tabashootinka qoomiyadda canfartana siinaya tixgelin gaar ah maadaaama ay inta badan dhulka Jabuuti degaan ahaan iyadu leh si uu ugu qanciyo midnimada qaran ee dalka Jabuuti oo ku jiri karta keliya in si cadaalad ah wax loo wada yeesho.

Waxa taa u barbar yaalaa saw mahaa in daadka isbedelka geesku gebi ahaanba dalka Jabuuti la tago oo uu badwaynta ku daro. Waayo Jabuuti waa magaalo dhibaato badan uma laha awood in ay xamli karto, dagaal yar hadii uu ka qarxo saacad gudaheed qaxootigu Lawyocaddo ayuu isa soo dabaqabsan doonaa.

Caligurey

Runsheeg

More in focus

To Top