Connect with us

somalilandtoday.com

SOMALILAND: Askari U Dhintay Dawo Khaldan Oo La Siiyay

focus

SOMALILAND: Askari U Dhintay Dawo Khaldan Oo La Siiyay

SOMALILAND: Askari U Dhintay Dawo Khaldan Oo La Siiyay

(SLT-Hargeysa)-Kadib Laba Cisho oo la baadhayay Maydka Askarigan waxa la cadeeyay inuu udhintay Dawo Qaldan oo Lagu muday.

Alle ha unaxariistee saleebaan Jaakuli oo ka mid ahaa ciidanka dabdamiska ee Burco ayaa la sheegay inuu udhintay Daawo qaldan oo uu siiyay Farmasi  ku yaala xaafada qasabka ee Magaalada Burco.

Gudida Nabadgelyada Gobolka Togdheer ayaa ku qancay natiijada uu soo gudbiyay maanta Cisbitaalka Guud ee Burco oo baadhitaan ku waday labadii cisho udanbeeyay Maydkaasi.

Sidoo kale odayaasha ka kala socday Eedaysanaha iyo marxuumka ayaa ku qancay natiijadaasi.

Marxuumka dhintay ayaa la sheegay in lagu muday dawo mudo dhaaftay.

Salaada Makhrib ayaa la Aasayaa Maydka Askarigaasi  AHUN Saleban Jaakuli.

Qore: Xabiib Cige

More in focus

To Top