Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Itoobiya Oo Digniin Adag U Dirtay Suudaan

focus

Dowladda Itoobiya Oo Digniin Adag U Dirtay Suudaan

Dowladda Itoobiya Oo Digniin Adag U Dirtay Suudaan

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya oo hadallo digniin ah u dirtay dhigeeda Sudan.

Itoobiya ayaa sheegtay in uu dulqaadkii ka dhamaaday kadib markii Sudan ay ciidamo soo dhoobtay halka ay labada dal isku hayaan.

Waxaa guuldareystay dedaallo la doonayay in xal lagaga gaadho xiisadda ka taagan xadka labada dal.

Xiisadda oo muddo dhan 10 sanno soo jiitameysay ayaa ah mid u dhaxeysay dalalka Sudan iyo Itoobiya, waxayna salka ku heysa deegaanka beeraha qaniga ku ah ee al-Fashqa, oo katirsan qariiradda Sudan balse ay muddo deganaayeen beeraleyda Itoobiya.

Ciidamo ka kala tirsan labada dhinac ayaa laba toddobaad kahor isku dhac ku dhex maray xadka labada dal.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta ee Sudan, Feisal Maxamed Saleh ayaa sheegay in dalkiisa aanu dooneyn dagaal ay la galaan Itoobiya, balse ciidamadooda ay ka jawaabi doonaan wax walba oo kaga yimaadda dhanka Itoobiya.

More in focus

To Top