Xildhibaanada Ilhaan Cumar ee laga soo doorto gobalka Minnesota ayaa sheegtay inay dhammeystireen mooshin xilka lagaga xayuubinayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo xukunka ka degaya 20ka bishan January.
Ilhaan Cumar ayaa Arbacadii lasoo dhaafay 6da January kadib weerarkii taageerayaasha Trump ku qaadeen aqalka Baarlamaanka Maraykanka, sheegtay inay qoreyso mooshin deg deg ah oo xilka lagaga qaadayo Trump.
Mooshinkan ayaa hadda u muuqda inuu helay taageero badan oo ah xildhibaanada Golaha Wakiilada (Kongareeska Maraykanka) oo ay aqlabiyadiisa heystaan xisbiga Dimuquraadiga, xildhibaanada taageersan mooshinkan Ilhan Cumar qortay oo hadda gaadhaya 180 ayaa ku cadaadinaya Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Nancy Pelosi inay cod u qaado mooshinkan.
Nancy Pelosi ayaa sheegtay inay wakhti kooban siineyso Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wasiirada inay xilka ka xayuubiyaan Trump inta wakhtiga uga hadhay haddii kale uu Kongareeska Maraykanka Tillaabo qaadi doono.
Xildhibaanada Dimuquraadiga oo ay Ilhaan Cumar kamid tahay ayaa uga danleh mooshinkan in Trump xilka laga xayuubiyo kahor intaan wakhtigiisa dhamaan 20ka January, haddii ay taasi ku guulleystaan Trump ayaan loo ogolaan doonin inuu markale isu soo sharaxo xilka Madaxweynaha.
Trump ayaa hore u sheegay inuu daneenayo inuu markale xilka usoo tartamo doorashada sanadka 2024.
Madaxweynaha xilkiisa 10 maalmood uga haray ayaa xalay bilaabay inuu diyaarsado Qareenadii difaaci lahaa haddii lagu soo oogo mooshinka laga diyaarinayo Golaha Wakiilada.
Farriin qoraal ah oo ay xalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nancy Pelosi u dirtay xildhibaanada ayey uga codsatay xildhibaanada inay diyaar u noqdaan inay kalfadhi deg deg ah isugu imaan karaan asbuucan.
Dimuquraadiga oo hada heysta Aqlabiyada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ka dhabeyn kara arrintan walow Madaxweynaha la doortay Joe Biden la sheegay inuusan taageersaneyn in Trump sidaa loola dhaqmo xili uu doonayo inuu sameeyo dib-u-heshiisiin waa sida ay sheegeen xubnaha ku dhaw dhaw.
Wararka kasoo baxay Washington DC ayaa sheegaya in todobaadka laga yaabo in Kongareeska markii labaad mooshin xil ka qaadista Trump uu codka u qaado, taasi oo ka dhigeysa Donald Trump Madaxweynihii ugu horeeyey ee soomarra Maraykanka oo laba goor laga keeno mooshin noocaan ah.