Connect with us

somalilandtoday.com

Xog: Guddiga Doorashooyinka Oo Madaxweynaha U Gudbinaya Xilliga Ay U Muddeeyeen Qabashada Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaannada

focus

(SLT-Hargeysa)-Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maadaxweyne Muuse Biixi u gudbinaya Qoraal ay ku caddahay xilliga ay u qorsheeyeen inay qabtaan doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee isku sidkan.

Ma jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Guddiga doorashada, balse Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in komiishanku markay soo dhameeyaan Diwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee Gobollada Sool iyo Sanaag Toddobaadkan ay Madaxweynaha u gudbinayaan Ajandahooda qabashada iyo xilliga ay u muddeeyeen inay qabtaan doorashada isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada Somaliland, si markaasi ka dib uu Madaxweynuhu Wareegto ugu soo saaro.

Heshiiskii laga gaadhay khilaafkii qabashada Doorashada ee sannadkii hore dabayaaqadiisii ay wada gaadheen Xisbiyada Somaliland, ayaa waxa ku xusnaa in Doorashada isku sidkan la qabanayo bisha 5-aad ee sannadka 2021-ka, laakiin waxa loo baahan yahay in komiishanku isagu muddeeyo xilliga uu doorashada ku qaban karo, haddii waafaqayo xilliga Xisbiyadu ku heshiiyeen iyo haddii kaleba, taasi oo marka dambana Madaxweynuhu uu Wareegto ku ansixinayo.

More in focus

To Top