Connect with us

somalilandtoday.com

Kongareeska Mareykanka Oo Ansixiyay Guushii Joe Biden

focus

Kongareeska Mareykanka Oo Ansixiyay Guushii Joe Biden

Kongareeska Mareykanka Oo Ansixiyay Guushii Joe Biden

(SLT-Washington)-Kongareeska Mareykanka ayaa ansixiyay in Joe Biden iyo Kamala Harris ay kala yihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka xiga ee dalka Mareykanka.

Natiijada doorashada ayaa waxaa ansixiyay labada aqal ee Aqalka Sare iyo Aqalka Wakiillada, kuwaasoo laalay diidmadii laga muujiyay codadka gobollada Pennsylvania iyo Arizona.

Kulankii caadiga ahaa ee Kongareeska ayaa la hakiyay shalay markii taageerayaasha Madaxweyne Trump ay ku xoomeen dhismaha Capitol. Kulanka ayaa la soo celiyay isla markaana sii socday kaddib markii la kala cayriyay dibadbaxayaasha.

More in focus

To Top