Connect with us

somalilandtoday.com

Demoqraadiyad: Somaliland Iyo Djibouti

focus

Demoqraadiyad: Somaliland Iyo Djibouti

Demoqraadiyad: Somaliland Iyo Djibouti

Dad badan oo ila soo xidhiidhay ama fakir ku soo dajiyey gidaarka facebuugayga ayaa waxa iga weydiiyey waxaan Soomaaliland iyo Djibouti uga reebay mawduucii ahaa “War Soomaaliya Iida!” Hadaba ilduuf iga ma ahayn ee waxaan dhigaalkaas uga dan lahaa in aan isbarbardhigo Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteriay oo hada u hayaamay in ay ku xulifoobaan Barwaaqa Sooran.”  Hadaba waa kan fakirkayga ku aadan sida damoqraadiyadu uga hirgashay Soomaaliland iyo Jabuuti.

Gundhig: sida ku xusan culuunta darista arimaha Demqrasiyada (Di Palma, 1990), in loo guuro nidaamka loo yaqaan DEMOQRADIGA afar arimood ayaa loo baahanyahay ama lagu qiimayn karaa: (1) xulashada haykalada ku haboon maamulka suuuban (Matalan, sida guurtida Soomaaliland oo samata bixinta u taagan).  (2) Habka loo xushay haykalada, heeshiisyada, iyo axdiga lagu wada jooga oo ka fog mid dad gaar ahi iska gaadheen (Matalan, in sidii MW Cali Mahdi uu iskiis isaga dhawaaqay in uu madaxweynha Soomaaliya oo dhan yahay iyada oon lagu heshiin). (3) farsamo noocee ah ayaa lagu  abuuraa kudlad siyaadadeed ama xulifaysi xalaa ah oo ku dhisan arimo ku aadan ku loolanka siyaasada, iyo (4) wakhtiga am xiliga la qaadanayo nidaamkan Damoqraadiga iyo jaranjarooyinka loo soo marayo noocay yihiin (Matalan, wadahadal mise xoog in awooda lagu boobo sidii xiligii milatarigu awooda la wareegay).

Jabuuti iyo Soomaaliland labaduba [hayaan] dhinaca dimoqraadiga ayey ku taagan yihiin.

Jabuuti: waxa hayada aduunka qiimaysaa dimoqradiya ku tilmaataa in Jabuuti weli waxa badani ka dhimanyihiin geedi socodka damoqraadiga. Hase yeeshee waxa lagu amaanaa daganaansho mudo dheer oon ka la go’ lahayn iyo xirfad siyaasadeed dhinaca gayiga Geeska Afrika. Waa lagu kala qaybsanyahya soo fa’iidada daganaanshuhu Jabuuti u keenay. Laakin marka la eego bii’ada iyo goobta ay ku taal, waxa la odhan karaa qulqulatooyin ba’an ayay Jabuuti ka badbaaday.

Ilaa hadeer waxay buuxisay ayaa la yidhaa 26% jadwelka dimoqraasiyeynta (Freedom House). Waa geedi socd curdin ah.

Soomaaliland: Waxa ka hirgalay doorashooyin illaa xad caafimaad qaba oo 1991-2017, shan MW, oo weliba mid 8 sano hayay aanu ka iman beelha tunka weyn, ayaa xafiiska lakala wareegay. Sadex Xisbi oo nabad kuwada looltama, laakiin hadafka weyn isku waafaqsan, ayaa ka hirgalay. Gole Guurti oo budhka u haya Soomaaliland ayaa hana qaaday. Doodo xiiso leh iyo kobcinta Afka Soomaaliga ah ayaa si habsami ah looga dareemayaa.

Barta madow ee lagu tilmaamo Soomaaliland waa xujaynta xoogaga aaminsan midnimada Soomaaliya oo xataa muunada bullugu noqotay dambi-qaran. Taas iyo arimo ka taagan Laasacaanood ayaa hoos u yar dhigay natiijada la siiyo dhinaca geedi socodka dimoqraadiyeenya oo ah 41% (Freedom House).

Gunaanda: Soomaaliland waxay mareysaa meel fiican marka laga fiiriyo Afrika oo dhan. Waa number 1 Somaliland marka la barbar dhigo dalalka Geeska Afrika. Soomaaliya (south) weli natiijadeedu ma dhaafin 7% xaga Soomaaliland tahay 41% ka tahay oo weliba kubcaysa. Hadii dhinaca xaquuqal insaanka dib u eegis lagu sameeyo, waxa Soomaaliland natiijadeedu gaadhi kartaa 50% iyo wax ka badan waan meel lagu nasan karo horena looga socon karo.

Sidaas oy arin tahay, hadana waxaan leeyahay “war Caro Edeg Iidaa, (waa cariga Soomaali dagto). Aad ayey Caro Edeg uga furfurantahay labada jaar ee Itoobiya iyo Ereteriyaba. Insha Allah sanadkan biloowday Soomaali oo dhan wanaag ayuu u keeni.

W/Q Faysal Rooble

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top