Connect with us

somalilandtoday.com

Amiirka Qatar Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Sacuudiga

focus

Amiirka Qatar Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Sacuudiga

Amiirka Qatar Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Sacuudiga

(SLT-Riyadh)-Amiirka Qatar Sheekh Tamim oo goor-dhaweyd ka degay magaalada Al-Ula ee dalka Sacuudiga ayaa soo dhaweyn diiran kala kulmay madaxda Sacuudiga oo uu hoggaaminayo dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salman.

Booqashada Amiirka Qatar ayaa la xadhiidha ka qeyb-galka shirka dalalka Khaliijka GCC oo maanta ka furmaya wadanka Sacuudiga. Amiirka Qatar ayaa casumaad ka helay Boqorka Sacuudiga Salman.

Dowlada Sacuudiga ayaa xalay ku dhawaaqday inay furtay dhammaan xaduudaha ay la wadaagto dowlada Qatar, kadib waan waan muddo soo socotay oo ay ka shaqeysay dowlada Kuwait.

Shirka GCC ayaa la filaya in looga hadli doono sidii xal waara looga gaadhi lahaa khilaafka ka dhex taagan wadamada Khaliijka iyadoo la filayo in shirar kale ay isugu imaan doonaan muddo dhaw.

Sacuudiga, Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar ayaa xidhiidha u jaray dowlada Qatar Sannadkii 2017, tan iyo xiligaasi ayaa waxaa xayiraad dhulka, badda iyo cirka ah la saaray Qatar.

Go’aanka Sacuudiga ku qaaday xayiraada saarneyd Qatar ayaa ahayd sharuud kaliya oo ay xukuumada Doxa ku xidhay wadahadalka iyo dadaalada ay wadaan wadamada Kuwait iyo Maraykanka.

More in focus

To Top