Connect with us

somalilandtoday.com

Kongaresska Maraykanka Oo Ka Soo Horjeestey Hindise Sharciyeed Uu Trump Diiday

focus

Kongaresska Maraykanka Oo Ka Soo Horjeestey Hindise Sharciyeed Uu Trump Diiday

Kongaresska Maraykanka Oo Ka Soo Horjeestey Hindise Sharciyeed Uu Trump Diiday

Kongareeska Mareykanka ayaa laalay codka diidmada qayaxan oo uu Madaxweyne Donald Trump dul dhigay hindise sharciyeedka dhaqaalaha ku baxa gaashaandhigga dalkaas, arrinta oo ah middii ugu horraysay ee uu Trump la kulmo intii uu xilka hayay.

Aqalka Senate-ka oo uu maamulo Xisbiga Jamhuuriga ayaa waxa uu yeeshay kulan dhif iyo naadir ah oo ay maalintii koobaad ee sannadka cusub kaga doodeen arrintan, middaas oo ay Aqalka Wakiillada horay ugu soo codeeyeen.

Hindise sharciyeedkan ku kacaya $740 bilyan oo doollar ayaa waxaa lagu maalgelinayaa siyaasadda gaashaandhigga Mareykanka ee sannadka soo socda.

Mr Trump, oo todobaadyo gudahood ku bannaynaya xafiiska, ayaa diiday qeyb ka mid ah qodobbada hindise sharciyeedka.

Senate-ka ayaa 81 ugu codeeyay hindise sharciyeedka loo soo gaabiyay (NDAA) halka 13 ay diideen, iyadoo saddex meelood oo meel loo baahnaa inay meelmariyaan hindise sharciyeedkaasi si loo laalo codka diidmada qayaxan ee madaxweynaha.

Waxa ay arrintan imanaysaa laba maalmood uun ka hor marka Kongareeska cusub ee Mareykanka la dhaarin doono.

Hoggaamiyaha Senate-ka ee Xisbiga Jamhuuriga Mitch McConnel waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in hindise sharciyeedka la meelmariyo.

“Halkan waxaa ku cad waxa Senate-ka uu diiradda saaray oo ah in la dhammaystiro sharciga difaaca ee dhowraya ragga iyo dumarka geesiyaaasha ah ee iskood u xidhy dharka milateriga.

“Waxaannu sharcigan si xiriir ah u soo meelmarinaynay 59 sanadood. Si kasta oo ay nagu qaadatana waxaannu dhammaystiraynaa midka 60-aad, sharci ayaanan ka dhigaynaa ka hor inta aanan Kongareeska la xirin maalinta Axadda ah,” ayuu ku daray.

Goor dambe ayuu Mr Trump ka jawaabay cod bixintaas, gaar ahaan arrinta dambiga kooxaha qaar loogaga weecinayo.

“Senate-keenna Jamhuuriga waxa uu lumiyay fursad ay hindise sharciyeedka uga saari lahaayeen qeybta 230, taas oo awood aanan xadidnayn siinaysa shirkadaha tiknolojiyadda ee waa wayn. Waa wax laga xumaado!!!” ayuu Trump ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Hindise sharciyeedka ay Kongareesku meelmariyaan ayaa u baahan in madaxweynaha uu saxiixo si sharci uu u noqdo. Marar dhif iyo naadir ah ayuu madaxweyne doortaa inuu codka diidmada qayaxan adeegsado ama uu diido sharciga, waana marka siyaasadaha qaar la isku khilaafo.

Xildhibaannada ayaa awood u leh markaas inay laalaan codka diidmada qayaxan ee madaxweynaha, sidaasna ay sharci uga dhigaan hindise sharciyeedka, iyagoo taas ku taageeraya saddex meelood oo laba meelood codka labada gole ee Koongareeska.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in faragelinta Mareykanka sida ciidammada jooga Afgaanistaan ay qarash badan ku baxdo waxtarna aanay lahayn

Afhayeenka Aqalka Wakiillada, Nancy Pelosi, oo ah qofka ugu awoodda badan Kongareeska ee Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa sheegtay in codka diidmada qayaxan ee Mr Trump uu ahaa “fal aan laga fiirsan oo waxyeelayn kara ciidamadooda, amnigoodana khalkhal gelin kara oo waxyeelaynaya rabitaanka xubnaha labada xisbi ee Koongareeska”.

“Xilli dalkayaga lagu soo qaaday weerrar culus oo dhanka internetka ah, waa ay adag tahay in la fahmo waxa uu ku sababaynayo mas’uuliyad xumida madaxweynaha,” ayey ku tidhi bayaan ay soo saartay.

Mr Trump ayaa horay waxa uu codka diidmada qayaxan ugu laalay sideed hindise sharci, kuwaas oo ay soo baritaareen xildhibaannada Kongareeska ee Xisbiga Jamhuuriga.

Waxaa lagu wadaa inuu xafiiska banneeyo 20-ka Janaayo, markaas oo uu badeli doono Joe Biden oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga.

Mr Trump ayaa sharciga ka kooban 4,500 ee bog, oo laga soo shaqeynayay ku dhawaad muddo sanad ah, waxa uu ku tilmaamay, “hadiyad la siinayo Shiinaha iyo Ruushka”.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top