Connect with us

somalilandtoday.com

Turkiga Iyo Ingiriiska Oo Heshiis Kala Saxeexday

focus

Turkiga Iyo Ingiriiska Oo Heshiis Kala Saxeexday

Turkiga Iyo Ingiriiska Oo Heshiis Kala Saxeexday

(SLT-Ankara)-Dowladaha Turkiga iyo Ingiriiska ayaa shaaciyey inay kala saxeexdeen heshiiska ganacsiga xorta ah, iyada oo Magaalada London u diyaar garoobeyso inay dhammaadka bishan si rasmi ah uga baxdo Midowga Yurub.

Heshiiskan oo dhaqan geli doona 1-da bisha January 2021 ayaa kor u qaadi doona ganacsiga labada dhinac ka dhexeeya oo sannadkii 2019-kii ka badnaa $25 billion oo dollar.

Heshiiska labada dal ayaa yimid maalmo un kadib markii UK iyo Midowga Yurub ay heshiis buuxa ka gaadheen inay kala furtaan kadib wada-hadallo socday sanado.

Dowladda Ingiriiska ayaa diyaar garoowii ugu dambeeyay ugu jira sidii ay si rasmi ah uga bixi laheyd Midowga Yurub,  isla markaana waxaa la qorsheeyay in heshiiska cusub ee Turkiga iyo UK uu ka dhaqan geli doono 1-da bisha January 2021.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top