Connect with us

somalilandtoday.com

Sudan Oo Dib U Qabsatay Dhul Ay Isku Hayeen Itoobiya

focus

Sudan Oo Dib U Qabsatay Dhul Ay Isku Hayeen Itoobiya

Sudan Oo Dib U Qabsatay Dhul Ay Isku Hayeen Itoobiya

(SLT-Khartoum)-Sudan ayaa la wareegtay gacan ku haynta inta badan dhul ay ku eedeysay inay hore u qabsadeen dad Ethiopian ah, oo ku yaalla xuduudda labada dal, waxaa sidaas sheegay wasiirka warfaafinta dalkaas.

Labada dal ayaa waxaa u dhaxeeya muran salka ku haya dhul beereed ku yaalla magaalada al-Fashqa, oo ku dhex taalla xuduudda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee Sudan, hase yeeshee ay degan yihiin beeraley Ethiopian ah.

Deegaanka ayaa waxaa dhowaanahan ka dhacayey isku dhacyo u dhaxeeya ciidammada Sudan iyo Ethiopia, ayada oo labada dhinac uu midba mid kale ku eedeynayo inuu rabshadaha billaabay. Labada dal ayaa horraantii toddobaadkan wada-hadallo ku yeeshay Khartoum.

“Waxaan aaminsan nahay in dhibaato kasta lagu xaliyo wada-hadal, hase yeeshee ciidankeena waxay gudan doonaan waajibkooda ah inay dib usoo celiyaan dhammaan dhulkeena. Iminka waxay dib ula wareegeen 60% illaa 70% dhulka Sudan,” waxaa sidaas yidhi wasiirka warfaafinta Sudan Faisal Salih oo la hadlay Reuters.

Waxa uu sheegay in ciidammada Sudan ay si difaacayeen, islamarkaana rabshadaha ay qaboobeen labadii maalmood ee tegay.

“Warbixinada sirdoonka Sudan waxay xaqiijiyeen diyaar garowga, tababarka iyo hubeynta ciidanka nasoo weeraray aysan ahayn maleeshiyo balse ay ahaayeen ciidan caadi ah,” ayuu yidhi Salih.

Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Ato Demeke Mekonnen ayaa ku eedeeyey millatariga Sudan inay weerarada fulinayeen tan iyo 9-kii November.

“Dalagyadii beeraleyda Ethiopia waa la bililiqeystay, xerooyinkoodii ayaa lasoo weeraray waxaana laga horistaagay inay dhulkooda beertaan. Sidoo kale tiro shacab ah ayaa la dilay oo la dhaawacay,” ayuu yidhi.

More in focus

To Top