Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyaha Iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Oo Kormeeray Goobaha Ay Ka Socoto Diwaangelinta Kaadhka Codbixintu

focus

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay weheliyaan hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiye xigeenka 2-aad ee Xisbiga Mudane Saleebaan Ducaale X Jaamac, guddoomiyaha garabka Haweenka Heer Qaran Marwo Foosiya Kayse Faarax iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray goobaha ay ka socoto diwaangelinta kaadhka codbixinta ee magaalada Ceelafweyn iyo deegaannada hoos taga.

Madaxda Xisbiga WADDANI ayaa bulshada ku boorriyay in ay qaataan kaadhka codaynta si ay uga qayb galaan doorashooyinka soo socda una dooran karaan xildhibaanno metela. Geesta kale Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa uu dirays ciyaareed siiyay 6 kooxood oo ka dhisan magaalada Ceelafweyn. Agabkan ciyaareed oo loogu magac daray dirayska nabadda waxa loogu talo galay in ay isku dhexgalaan dhallinyarada reer Ceelafweyn ee ciyaaraha xiiseeya.

More in focus

To Top