Connect with us

somalilandtoday.com

Erdogan Oo Doonaya In Uu Wanaajiyo Xidhiidhka Dhanka Sirdoonka Ee Ka Dhaxeeya Maamulka Israa’iil.

focus

Erdogan Oo Doonaya In Uu Wanaajiyo Xidhiidhka Dhanka Sirdoonka Ee Ka Dhaxeeya Maamulka Israa’iil.

Erdogan Oo Doonaya In Uu Wanaajiyo Xidhiidhka Dhanka Sirdoonka Ee Ka Dhaxeeya Maamulka Israa’iil.

(SLT-Ankara)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa inuu wanaajiyo xidhiidhka ay la leeyahiin Yahuudda iyada oo ay jirto hadal heyn ku gadaaman xidhiidhka ay dowladaha Islaamka la yeelanayaan Maamulka Israa’iil.

Erdogan wuxuu doonayaa in wadahadallada dhanka sirdoonka ee Israa’iil ay sii socdaan, balse wuxuu kasoo horjeestay siyaasadda Yahuudda ee ku aadan Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Turkiga ayaa saxaafadda la hadlay markii laga soo baxay Salaadda Jimcaha, wuxuuna sheegay in ayna marnaba aqbali karin falalka ay Israel ka wado dhulka reer Falastiin.

“Siyaasadda Falastiin waa khadkeena cas, suuragal maahan inaan aqbalno falalka naxariis daradda ah oo ay Israa’iilka wado dhulka Falastiin,” ayuu yidhi Erdogan.

Iyadoo ay taasi jirto haddana madaxweynaha wuxuu doonayaa inuu wanaajiyo xidhiidhka dhanka sirdoonka ee kala dhaxeeyay maamulka Israa’iil.

Turkiga wuxuu noqday wadankii ugu horreeyay ee aqoonsaday Israel marka laga hadlo wadamada Muslimka ah, sanadkii 1949-kii ayeyna aqoonsadeen, wixii markaas ka dmabeeyay waxey ku wada noolaayeen xidhiidhi wanaagsan oo dhan walba ah.

Si kastaba Turkiga wuxuu jaray xidhiidhka Yahuudda sannadkii 2010 kadib markii ciidamada Israa’iil ay dileen 10 qof oo isku dayay iney gar-gaar gaadhsiiyaan Falastiiniyiinta iyadoo ay jirtay xayiraad ay maamulka Yahuudda dhan walba ka saareen dadka reer Falastiin.

Xidhiidhka labada dal ayaa lasoo celiyay sannadkii 2016, balse mar kale ayuu xumaaday sannadkii 2018, iyadoo Turkiga uu si joogto ah u cambaareeyo falalka ay dowladda Israa’iil ka sameyso daanta galbeed.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top