Connect with us

somalilandtoday.com

Nuuca Cusub Ee Coronavirus Oo Faransiiska Laga Helay

focus

Nuuca Cusub Ee Coronavirus Oo Faransiiska Laga Helay

Nuuca Cusub Ee Coronavirus Oo Faransiiska Laga Helay

Faransiiska ayaa diiwaangeliyay kiiski ugu horreyay ee nuuca cusub ee cudursidaha coronavirus, taasoo keentay shaki ah in mowjado kale oo la xidhiidha fayraska ay ku dhuftaan France.

Wasaaradda caafimaadka Faransiiska ayaa ku warrantay in nin Faransiis ah oo dhawaan kasoo laabtay magaalada London, laga helay fayraska cusub.

Ninkan oo ku sugan magaalada Tour ayaa London ka tagay 19-kii bishaan, waxana hadda uu isku karantiilay gurigiisa. Sida ay sheegtay wasaaradda caafimadka, xaaladda ninkaan ayaa hadda wanaagsan.

Nuucaan cusub ee cudursidaha Coronavirus ayaa laga helay dalka Ingiriiska. Wasiirka Caafimaadka Britain, Matt Hancock ayaa sheegay, in ilaa 1000 kiis oo la xidhiidha xanuunkani lagu arkay koofurbari ee dalka England.

Arrintaasi waxay keentay in dalal ka badan 40 ay xuduudahooda ka xidheen safarrada ka imanaya dalka Ingiriiska.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top