Wakhtiyadan dambe Bangiyadu waxay door muhiim ah ka ciyaaraan dhaqaalaha, iyagoo adeegyo u fidinaya macaamiisha doonaya inay lacagtooda kaydsadaan. Sidoo kale waxay gacan dhaqaale u fidiyaan macaamiisha doonaya inay helaan maalgalin ganacsi oo cusub ama sii balaadhiyaan ganacsigoodii hore.
Bangiyadu waa hay’ado lacageed oo ka shaqeeya soo deynsashada (Borrowing) iyo deyminta(Lending) lacagaha. Taas macnaheedu waa in bangiyadu u dhexeeyaan dadka haysta lacag dheeraad ah oo aanay hadda u baahnayn iyo kuwa u baahan lacag dheeraad ah si ay ugu furdaamiyaan hawl markaas iyaga ku taagan.
Sidee ayay Bangiyadu u shaqeeyaan?
Bangiyadu waxay lacag ka qaadaan macaamiisha u baahan inay lacag keydsadaan, iyagoo sannadkii ugu celiya qaddar dulsaar ah (annual Interest Rate) oo lacagtoodii ugu korodhay. Isla lacagtaas ay macaamiisha ka qaadeen ayay badh ka mid ah u istcimaalaan inay deymiyaan macaamiil kale iyagoo kula heshiinaya dulsaar go’an (Interest). Labada dulsaar ee midna lagu sameeyey macmiilka deynsadaha midna loo sameeyey macmiilka deymiyaha ah (macmiilka kolka hore Bangigu lacagta ka qaaday) marka la kala jaro wixii soo hadha ayaa ah faa’iidada bangiga. (Sidan waxaa u shaqeeya Bangiyada Caalamiga ah ama aynu u naqaano Bangiyada Ribawiga ah)
Bangiyada Islaamiga ahi waxay u shaqeeyaan si ka duwan, kolka hore macmiilka lacagta loo kaydinayo looma sameeyo wax dulsaar ah, bacdamaa dulsaarku diin ahaan aanu bannaayn, sidaas daraadeed macmiilka keydsadaha ahi waxa uu helayaa lacagtiisii u taallay bangiga oo aanay waxba ku kordhin waxna aan laga dhimin. Kolka uu macmiilku doonayo inuu deynsado lacag waxaa loo maraa hanaanka ay culimada dhaqaalaha islaamku u bixiyeen (Muraabaxa) oo ah hannaan faa’iidada go’an lagu siinayo Bangiga.
Maxay Bangiyadu u Jiraan/Loo Asaasay?
1: Inay macaamiisha lacag u kaydiyaan
2: Inay macaamiisha lacagta kaydsanaya dulsaar faa’iido ah u sameeyaan (Bangiyada islaamiga ahi ma isticmaalan nidaamkan)
3: Inay sherkadaha iyo shakhsiyaadkaba lacag deymiyaan/ Guryo iyo Gawaadhi u iibiyaan
4: Inay dadwaynaha siiyaan talooyin maaliyadeed, sida caymiska.
5: Iyo kuwo kale.
Noocyada Bangiyada (Kuwa Muhiimka ah):
1: Central Bank: Bangiga dhexe waxa uu qaabeeyaa siyaasadda lacagta ee bangiyada, haddii ay tahay shuruucda dulsaarka, habka kaydsashada iyo deymintaba.
2: Retailor Bank: Waxay bixiyaan adeegyada guud ee maaliyadeed, sida xisaabaad loo furo macaamiisha, deymaha, Credit Cards-ka iyo caymiska.
3: Commericial Banks: Waa bangiyada taageera ganacsiyada waaweyn iyo kuwa yaryar labadaba.
4: Investment Banks: Waxay awoodda saaraan inay talooyin maaliyadeed (Financial Advice) u sameeyaan shakhsiyaadka iyo sherkadaha lacagta haysta, sidoo kale waxay maamulaan Stocks-ka, Bonds-ka iyo Securities-ka oo dhamaantood ah adeegyo maaliyadeed oo waaweyn.
Somaliland iyo Bangiyada:
Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidu waxay sannadaha dambe soo fahmayeen muhiimadda ay leeyihiin bangiyadu. Inkasto oo uu fahankaasi si gaabis ah ku socdo, haddana Somaliland waxay u baahan tahay inay horumar ka samayso nooc kasta oo bangiyada ah. Tusaale ahaan waxa hadda jira illaa afar Bangi oo waaweyn oo dhamaantood Islaami ah (afartaas kuma darin Bangiga dhexe). Waxay qabtaan shaqo isku mid ah oo ah inay maalgelin sameeyaan, dadkana xisaabo (accounts) u sameeyaan. Bacdamaa ay muhiimadda bangiyada iyo fahanka dadku ka haystaan ay iminka soo kordhayo waxaa bangiyada la gudboon inay balaadhiyaan adeegyada ay bixiyaan, sida balaadhinta maalgelinta (tusaale ahaan, maalglinta mashaariicda waaweyn sida beeraha iyo xoolaha), in Bangiyada la caadiyeeyo heer qof kastaaba bangiga xisaab ku yeesho iyo in dadka loo fududeeyo inay si fudud dunida wax kaga iibsadaan, Credit/Debit Cards kooda ay bangiyadu siiyeen.
Dhallinyarada iyo Bangiyada:
Dhallinyarada Somaliland iyo guud ahaan soomaalidaba waxa la gudboon inay fahan dheeraad ah ka helaan bangiyada dalka iyo adeegyada ay bixiyaan iyo inay xidhiidh dhaw la yeeshaan Bangiyada, si ay ugu fududaato helista maalgalin ganacsiyeed oo ah ta ugu muhiimsan ee ay bangiyada hadda jiraa ka caawin karaa dhallinyarada, sidoo kale waxa muhiim ah in bangiyadu dhallinyarada u muujiyaan dareen gaar ah, sida inay ka debciyaan shuruudaha maaglinta, wakhtiga bixinta deynta iyo wixii la mid ah.
Si guud su’aasha ugu sarraysa ee ah “Maxaynu Bangiyada ugu Baahannay” waxa inooga jawaabaya qoraalkeena dhexe. Wakhtigan hadda Bangiyad aad baynu ugu baahannay haddii ay noqoto inaynu lacag kaydsano, inaynu lacag deynsano, maalgelin helno, dunida wax kaga iibsano ama kaga iibino, intaba waxa innaga saacidi kara bangiyada.
Arrimo kale oo la xidhiidha bangiyada, habka deynsashada, deyn bixinta iyo Credit/Debit Cards-ka waxaynu kaga hadli doonaa qormooyin kale.
W/Q Khadar Hassan H. Ahmed
Khadar2424@gmail.com