Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Addis Ababa

focus

Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Addis Ababa

Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Addis Ababa

(SLT-Addis Ababa)-Saddex qof ayaa Axaddii shalay ku dhintay markii bambo meel lagaga tagay ay ku qaraxday caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa, sida ay ku warameyso wakaaladda wararka ee dowladda.

Wakaaladda ayaa warisay in qaraxu uu ka dhacay deegaanka Lideta oo u dhow badhtamaha caasimadda, iyadoo intaa ku dartay in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof ayna ku dhaawacmeen shan kale.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi muddo lix toddobaad ah uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada federaalka iyo ururka TPLF, laakiin ma jirto wax tilmaamaya in uu xidhiidh ka dhexeeyo qaraxa iyo colaadda gobolkaasi.

“Waxaa socda baadhitaan la xidhiidha qaraxa, shacabkana waa lala wadaagi doonaa marka uu baadhitaanku dhammaado,” ayay wakaaladdu warisay.

Tan iyo markii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay 4-tii November duullaanka ku qaadday gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray, waxaa jiray dhowr qarax oo yar yar oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Booliska federaalka ayaa ku eedeeyay qaraxyada qaar kooxda TPLF, laakiin ma keenin caddeymo ay ku taageerayaan sheegashadooda.

More in focus

To Top