Connect with us

somalilandtoday.com

Dibad-baxyo Xooggan Oo Ka Dhacay Suudaan

focus

Dibad-baxyo Xooggan Oo Ka Dhacay Suudaan

Dibad-baxyo Xooggan Oo Ka Dhacay Suudaan

(SLT-Khartoum)-Kumannaan muddaharaadyaal Suudaanees ah ayaa waddooyinka caasimadda ee Khatroum iyo magaalada la mataana ah ee Omdurman isugu soo baxay Sabtidii, kuwaas oo dalbanaya in la dadajiyo is badallada dalka, xilli sannad guuradii labaada ee ku aaddan billowga kacdoonkii xukunka lagaga tuurey madaxweyne Cumar al-Bashiir la guda galay.

Hoggaamiyihii rug-caddaaga ahaa ee dalkaasi ayaa xukunka waxa ka tuurey millatariga bishii April 2019, kadib bilo dibad baxyo ka dhacayay dalkaas oo ka dhan ahaa xaaladaha dhaqaale ee liitey iyo hoggaanka al-Bashiir ee 30-ka sanno jirey.

Dad badan o reer Suudaan ah ayaan ku faraxsanayn hannaanka hadda, oo ay u arkaan in uu gaabis yahay islamarkaasina uu dayac ku yahay is badalka xilliga kala guurka dowladda oo hadda la daala dhaceysa wax ka qabashada dhibaatada dhaqaale.

Dowladdan ayaa la dhisey kadib heshiis dhex maray millatariga, iyo kooxaha rayidka, waxana ay isku raaceen dhismaha dowlad seddex sano shaqeysa oo dalka ku hoggaamisa doorasho madaxweyne iyo mid baarlamaani oo xalaal ah.

More in focus

To Top