Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkii Urur Gobolleedka IGAD Oo Ka Furmaya Dalka Jabuuti, Maxaa lagaga Hadlayaa? Somaliland Ma Ka Qayb-Gali Doontaa?

focus

Shirkii Urur Gobolleedka IGAD Oo Ka Furmaya Dalka Jabuuti, Maxaa lagaga Hadlayaa? Somaliland Ma Ka Qayb-Gali Doontaa?

Shirkii Urur Gobolleedka IGAD Oo Ka Furmaya Dalka Jabuuti, Maxaa lagaga Hadlayaa? Somaliland Ma Ka Qayb-Gali Doontaa?

(SLT-Jabuuti)-Maalinta berri ah ayaa lagu waddaa in dalka Jabuuti uu shir uga furmo madaxda Urur gobolleedka IGAD, kaasoo looga wada-hadali doono arrimo la xidhiidha xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka.

Shirka ayaa si weyn diirrada loogu saari doona xaalada gobolka Tigrayga oo ay ku dagaalameen ciidammada difaaca Qaranka Itoobiya iyo Jabhda TPLF iyo waliba khilaafka labada dal Soomaaliya iyo Kenya oo labaduba ashtako arintaa la xidhiidha u gudbiyay Urur gobolleedka IGAD.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in uu u duulo dalka Jabuuti isaga oo halkaa kaga qeybgali doona shirka IGAD,

Raysal Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya  isku afgarteen shir degdeg ah oo lagaga hadlayo dhibaatada ka jirta Tigray.

Soomaliya iyo Kenya ayaa dhawaan sheegay in Urur gobolleedka IGAD u gudbiyeen dacwad ka dhan ah khilaafka dhinaca Diblomaasiyada ah ee soo kala dhax-galay iyadoo midba kan kale ku eedeeyay xadgudub.

Madaxweynaha Somaliland ayaa toddobaadkii hore markii uu ka soo laabtay dalka Kenya waxa uu sheegay in Somaliland ay ka qayb-gali doonto shirka Urur gobolleedka IGAD eek a dhacaya dalka Jabuuti, balse illaa hadda Somalilandtoday ma xaqiijin cidda Somaliland uga qayb-gali doonta shirkaasi.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top