Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Oo Dowladda Sudan Ka Saaray Liiska Argagaxisada

focus

Maraykanka Oo Dowladda Sudan Ka Saaray Liiska Argagaxisada

Maraykanka Oo Dowladda Sudan Ka Saaray Liiska Argagaxisada

(SLT-Khartoum)-Dowladda Mareykanka ayaa dalka Sudan ka saartay liiska madow ee dalalka taageera argagixisada, kadib markii dhowaan ay dowlada Sudan la sameysatay xidhiidh diblumaasi dowlada Israa’iil.

Tallaabadan ayaa albaabada u fureysay gargaar, deynta oo laga cafiyo iyo maal-gelin uu helo dalka Sudan oo hadda ku jira xaalad kala guur siyaasadeed, iyo dhaqaale xumo ay uga sii dartay cudurka COVID-19.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii October ku dhowaaqay inuu Sudan ka saarayo liiska dalalka taageera argagixisada, 27 sano kadib markii Washington ay ugu dartay inay gabbaad siiso mintidiinta Islaamiga ah.

Safaaradda Mareykanka ee Khartoum ayaa Isniintii sheegtay in tallaabadan rasmi laga dhigay, islamarkaana xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu xaqiijiyey “in ku calaameynta Sudan ee dal taageera argagixisada si rasmi ah looga laabtay.”

“Tani waxay muujineysa isbeddel weyn oo ku yimid xidhiidhka aan wadaagno, iyo u dhaqaaqidda wada-shaqeyn iyo taageeridda isbeddelka dimqoraadiga ah ee Sudan,” ayuu Pompeo ku yidhi bayaan uu soo saaray.

More in focus

To Top