Connect with us

somalilandtoday.com

KENYA: “Kama Aar-gudan Doono Soomaaliya, Waxa Aanu Raadineynaa Xal Diblomaasiyadeed”

focus

KENYA: “Kama Aar-gudan Doono Soomaaliya, Waxa Aanu Raadineynaa Xal Diblomaasiyadeed”

KENYA: “Kama Aar-gudan Doono Soomaaliya, Waxa Aanu Raadineynaa Xal Diblomaasiyadeed”

(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay sameyn doonto koox raadisa xal diblomaasiyadeed oo dhex-mara Kenya iyo Soomaaliya, sida uu shaaciyay Afhayeenka dowladda Cyrus Oguna.

Cyrus Ogona ayaa sheegay  aanay sameyn doonin wax aar-gudasho ah oo la mid ah tallaabadii ay qaaday dowladda Soomaaliya oo ay xidhiidhka ugu jartay Kenya.

“Waxaan nahay ummad sarreysa, ma sameyn karno wax la mid ah wixii ay Soomaaliya sameysay, haddaan sidaa yeelno waxay u muuqaneysaa aar-gudasho, waxaan u ogolaan doonaan inay arrintan la wareegaan IGAD iyo Comesa”ayuu yidhi Ogona.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in aanay weli wax xidhiidh rasmi ah ka helin Soomaaliya oo ku saabsan xidhiidhka diblomaasiyadeed oo ay u jartay.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay inay qaadan karto go’aan marka si rasmi ah loo soo ogeysiiyo.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo xalay saqdii dhexe ka hadlayay telefishinka Qaranka ayaa sheegay inay xidhiidhka u jareen Kenya, kuna amray in diblomaasiyiinta Kenya muddo 7 maalmood uga baxaan Muqdisho, halka Diblomaasiyiinta Soomaaliya ka jooga Kenya ku wargeliyay inay dalka ku soo laabtaan.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Kenya inay faragelin qaawan iyo xadgudub ku heyso madax bannaanida dalka Soomaaliya.

Bishii hore ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay ku amartay Safiirkii Kenya inuu dalkiisa ku laabto, halka Safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi lagu amray inuu ku soo laabto Soomaaliya, tallaabadan ayaa aheyd mid Soomaaliya ay hoos ugu dhigeysay xidhiidhkii Kenya kala dhaxeeyay.

More in focus

To Top