Connect with us

somalilandtoday.com

Joe Biden Oo Ka Gudbay Caqabaddii U Dambeysay Ee Ka Hor Istaagi Lahayd Aqalka Cad

focus

Joe Biden Oo Ka Gudbay Caqabaddii U Dambeysay Ee Ka Hor Istaagi Lahayd Aqalka Cad

Joe Biden Oo Ka Gudbay Caqabaddii U Dambeysay Ee Ka Hor Istaagi Lahayd Aqalka Cad

(SLT-Washington)-Joe Biden madaxwaynaha la doortay ee Mareykanaka ayaa sheegay in rabitaankii shacabka uu meel maray ka dib markii guushii uu doorashada ka gaadhay lagu ansixiyay nidaamka ergada ee loo yaqaano (electoral college).

Khudbad uu jeediyay ka dib markii go’aankani lagu dhawaaqay, waxaa uu sheegay in dimuqraadiyadda Mareykanka halis la galiyay islamarkana ay cadaatay adkeysiga iyo awoodda dimuqraadiyadda”.

Ansixintan ayaa ah tallaabadii ugu dambeysay ee looga baahnaa Mr Biden si uu xafiiska ula wareego 20-ka bisha January.

Madaxwayne Donald Trump imika loogama baahna xitaa in uu aqbalo natiijada.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa doorashadii November waxay ku guuleysteen 306 ergo amaba (electoral college) halka Jamhuuriyiinta ay heleen 232.

Ansixinta ayaa ahayd in mar hore ay dhacdo, balse kiisas uu maxkamadaha geeyay madaxwayne Trump ayaa dib loogu dhigay.

Maxay tahay tallaabada xigta?

Geedi socodka coddeynta ayaa loo diri doonaa Washington DC islamarkana ugu dambeyntii dib loogu tirin doonaa kulan ay goobjoog ka yihiiin Congreska 6-da January islamarkana waxaa goobjoog ka noqon doona madaxwayne ku xigeenka Mike Pence.

Waxay arrintani waddada u xaadheysaa in Joe Biden loo dhaariyo in uu madaxwayne noqdo 20-ka January.

Mr Biden ayaa waxaa lagu wadaa in Isniinta soo socota uu shacabka Mareykanka khudbad u jeediyo islamarkana uu faahfaahin ka bixiyo qorshaha xukuumadiisa.

Bishii aanu soo dhaafnay, Mr Trump waxaa uu sheegay in xafiiska uu baneyn doono bishia January haddii ergada gobolada ay ansixiyaan in uu doorashada ku guuleystay Mr Biden.

Balse waxaa uu wali Mr Trump sii wadaa eedeeyntiisa aan cadeynta loo hayn ee ah in dooarshada looga shubtay islamarkana ma jirto calaamad muujinaysa in uu qiranayo in doorashada looga adkaaday.

More in focus

To Top